Tartanka koobka adduunka ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo la galayo kulamadii ugu dambeeyay ee wareeega Group-yada.
Tartanka Gooldhalinta ayaa sidoo kale meel xiiso leh maraya iyada oo xiddigo badan ayaa dhaliyay goolal iyaga oo durba is muujiyay.
Laakiin arinta la yaabka leh ayaa ah in goolasha sida khaldan la isaga dhaliyay ayaa aad u badan tartanka koobka adduunka.
Ilaa haatan 8 gool ayaa la iska dhaliyay tartanka koobka adduunka iyada oo ka badan goolasha uu dhaliyay xiddiga ugu goolasha badan tartanka.
Goolasha la iska dhaliyay ayaa hogaaminaya goolasha ugu badan tartanka koobka adduunka.
Be the first to comment