Shaxda Ay Arsenal Kaga Hor Tagi Karto Atletico Madrid.

Piero Hincapie wuxuu caawa rajeynayaa inuu ka mid noqdo kooxda Arsenal ee wajahaysa Atletico Madrid tartanka Champions League.

Xiddiga Hincapie wuxuu hal kulan uun u saftay Arsenal tan iyo markii uu amaah uga yimid Bayer Leverkusen xagaagii.

Difaaca bidix ayaa garoomada ka maqnaa dhaawac muruqa bowdyaha ah awgiis, waxaana kaliya uu hal kulan ciyaaray bishii hore isaga oo ka hor yimid Athletic Club.

Hincapie wuxuu ku soo laabtay tababarka toddobaadkii hore, hase yeeshee waxaa laga saaray liiska ciyaartoyda kulankii Sabtidii fiidkii ay Arsenal kaga badisay Fulham.

Difaaca ayaa mar kale tababar qaatay galabnimadii Isniinta, wuxuuna rajeynayaa inuu ka mid noqdo kooxda la ciyaaraysa Atletico.

Ben White iyo Myles Lewis-Skelly ayaa laga yaabaa inay ku soo bilowdaan kooxda,halka Mikel Merino uu yahay ikhtiyaar ka ciyaari kara khadka dhexe.

Isbeddelka ugu macquulsan ayaa ah in Gabriel Martinelli uu ku soo bilaaban doono garabka bidix, inkastoo Leandro Trossard uu dhaliyay goolkii guusha kulankii Fulham.

Arsenal waxay doonaysaa inay sii wadataa bilowgeeda fiican ee tartanka Champions League xilli ciyaareedkan, kaddib markii ay ka adkaatay Athletic Club iyo Olympiacos.

Viktor Gyokeres ayaa la filayaa inuu markale hoggaamiyo weerarka, isagoo rajeynaya inuu joojiyo abaar gool la’aanta ah.

Weeraryahanka ayaan wax gool ah dhalin sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay ee uu u saftay kooxdiisa iyo xulkiisa qaranka.

Shaxda macquulka ah halkan kaga bogo:

Raya; Timber, Saliba, Gabriel, Calafiori; Eze, Zubimendi, Rice; Saka, Gyokeres, Martinelli

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga