Sababtii Ay Man United Uga Baxday Wadahadaladii Thomas Tuchel Oo La Ogaaday.

Kooxda Man United ayaa joojisay wadahadaladii ay kula jirtay Thomas Tuchel si uu u badalo Erik Ten Hag.

Man United ayaa raadinaysa badalka Erik Ten Hag kaas oo ay doonayso in ay shaqada ka caydhiso Kadib dhamaadkii xilli ciyaareedka.

Inkasta oo ay doonaysay Tuchel hadana United ayaa haatan joojisay iyada oo aan u dhaqaaqi doonin tababaraha reer Germany.

Sababta ay United u joojisay dadaalada ay ku doonayso saxiixa Tuchel ayaa ah in wal-wal ay ka qabto khatarta uu Tuchel ku noqon karo dhismaha kooxda.

Sida laga soo xigtay ESPN, Man United ayaa aaminsan in aanu Tuchel ku soo baxayn qaab dhismeedka kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga