Sababta Ay Chelsea Uga Baxday Tartanka Saxiixa Michael Olise Oo La Ogaaday.

Chelsea ayaa ka baxday tartanka loogu jiro saxiixa Michael Olise kadib markii uu xiddigu dalbaday mushahar aad u badan.

Blues ayaa xagaagii hore ku dhawaatay inay la soo wareegto xiddiga garabka ka ciyaara laakiin xiddiga ayaa iska diiday isla markaas heshiis cusub u saxiixay kooxdiisa Crystal Palace.

Chelsea ayaa dib u soo ceshatay xiisaheeda horaantii bishaan ka dib markii ay arkeen qaab ciyaareedkii fiicnaa ee Olise dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Blues ayaa wadahadalo kula jirtay Palace todobaadkii hore si ay ugala heshiiyaan saxiixa xiddiga.

Si kasta ha ahaatee Chelsea ayaa ka baxday tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga.

Sababta ay Blues uga baxday ayaa lagu sheegay in uu xiddigu dalbaday mushahar aad u sareeya.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga