• WARARKA MAANTA
  • TOP 5 LEAGUES
    • PREMIER LEAGUE
    • ITALY
    • LA LIGA
  • NEWS ARABIC
  • ENGLISH NEWS
  • WARBIXINO GAAR AH
  • BALLON DIOR
Kooxda.com l Wararkii ugu dambeeyey ee ciyaaraha
  • WARARKA MAANTA
  • TOP 5 LEAGUES
    • PREMIER LEAGUE
    • ITALY
    • LA LIGA
  • NEWS ARABIC
  • ENGLISH NEWS
  • WARBIXINO GAAR AH
  • BALLON DIOR
No Result
View All Result
  • WARARKA MAANTA
  • TOP 5 LEAGUES
    • PREMIER LEAGUE
    • ITALY
    • LA LIGA
  • NEWS ARABIC
  • ENGLISH NEWS
  • WARBIXINO GAAR AH
  • BALLON DIOR
No Result
View All Result
Kooxda.com l Wararkii ugu dambeeyey ee ciyaaraha
No Result
View All Result

Rogers: Ronaldo wuxuu ahaa xiddiggii aan jeclaa, balse Messi ayaan la yaabay markii aan wajahnay

kooxda.com by kooxda.com
September 25, 2026
in BALLON DIOR, ITALY, LA LIGA, PREMIER LEAGUE, TOP 5 LEAGUES, WARARKA MAANTA, WARBIXINO GAAR AH
0
Rogers: Ronaldo wuxuu ahaa xiddiggii aan jeclaa, balse Messi ayaan la yaabay markii aan wajahnay

Xiddiga xulka England iyo Chelsea, Morgan Rogers, ayaa ka hadlay doodda muddada dheer ee ku saabsan Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, isagoo shaaca ka qaaday in Ronaldo uu ahaa ciyaaryahankii uu isaga shaqsi ahaan ugu jeclaa.

Rogers oo wareysi siiyay website-ka rasmiga ah ee Chelsea ayaa sheegay in inkastoo Ronaldo uu ahaa xiddigga uu taageeri jiray, haddana kulankii uu Messi kaga hor yimid Koobka Adduunka 2026 uu si weyn ula yaabay heerka ciyaareed ee xiddiga reer Argentina:- “Ronaldo wuxuu ahaa ciyaaryahanka aan shaqsi ahaan ugu jeclaa,” ayuu yiri Rogers.

Rogers ayaa intaas ku daray in uu Messi si toos ah ula ciyaaray semi-finalkii Koobka Adduunka 2026, xilli Messi uu jiray 39 sano.

Wuxuu yiri: “Ma rumaysan karin, Xitaa ma qiyaasi karo heerkii uu joogay markii uu ku jiray waqtigiisii ugu fiicnaa. Waxaan qiyaasayaa in xilligaas ay gebi ahaanba adkeyd in la joojiyo, oo ay ahayd wax ka baxsan awoodda aadanaha.”

Rogers ayaa sidoo kale sheegay in inkastoo Messi uu markaas 39 jir ahaa, haddana ay aad u adkayd in wax laga qabto ciyaartiisa kulankaas.

Argentina ayaa kulanka semi-finalka Koobka Adduunka 2026 kaga adkaatay England 2-1, iyadoo Messi uu qayb weyn ka qaatay guushaas, isaga oo caawiyay labada gool ee ay dhaliyeen Enzo Fernández iyo Lautaro Martínez.

Doodda Messi iyo Ronaldo ayaa weli ah mid ka mid ah doodaha ugu waaweyn kubadda cagta, iyadoo Ronaldo uu ku wajahan yahay gaarista 1,000 gool, halka Messi uu dhinaca kale leeyahay tiro badan oo koobab iyo guulo kooxeed ah.

Tags: ciyaarokooxdalaacibwararka ciyaaraha
Previous Post

Yamal iyo Raphinha oo noqday weerarka ugu halista badan Barcelona xilli ciyaareedkan

Next Post

Rasmi:- Real Madrid oo shaacisay dhaawaca Konaté iyo muddada laga yaabo inuu maqnaado

Next Post
Rasmi:- Real Madrid oo shaacisay dhaawaca Konaté iyo muddada laga yaabo inuu maqnaado

Rasmi:- Real Madrid oo shaacisay dhaawaca Konaté iyo muddada laga yaabo inuu maqnaado

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *




Inter Miami Contract Talks With Lionel Messi: The Truth About a Possible Extension Beyond 2028

WARBIXNADA XIISAHA LEH

  • RASMI:- Xulka Faransiiska oo war rasmi ah ka soo saaray dhaawaca Mbappé
  • ZIDANE oo xaalad argagax leh kasoo bandhigay dhaawaca Mbappe & Wararkii ugu dambeeyey
  • DEG DEG Mbappe oo dhaawac xoogan soo gaaray waa sidee xaaladiisa ?
  • Ra’iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay fadeexadii & eedeymaha Manchester City
  • WAR CULUS:- Manchester City oo wajahaya liis ciqaabo oo culus kadib eedeymaha dhaqaale

Categories

  • BALLON DIOR
  • ENGLISH NEWS
  • ITALY
  • LA LIGA
  • NEWS ARABIC
  • PREMIER LEAGUE
  • TOP 5 LEAGUES
  • WARARKA MAANTA
  • WARBIXINO GAAR AH







      © 2026 JNews - Premium WordPress news & magazine theme by Jegtheme.

      No Result
      View All Result

          © 2026 JNews - Premium WordPress news & magazine theme by Jegtheme.