Real Madrid ayaa si rasmi ah u shaacisay xaaladda caafimaad ee daafaceeda cusub Ibrahima Konaté, kaas oo dib ugu soo laabtay kooxdiisa kaddib markii uu ka baxay xerada xulka qaranka Faransiiska.
Konaté ayaa ka baxay xerada xulka Faransiiska intii lagu jiray fasaxa caalamiga ah, kaddib markii uu dareemay xanuun ka soo gaaray jilibka. Wararkii hore ayaa sheegayay in dhaawacu yahay murgacasho fudud.
Si kastaba, Real Madrid ayaa war rasmi ah ku xaqiijisay in Konaté uu qabo dhaawac ku yimid seedda dhinaca ee lugtiisa midig, iyadoo kooxdu sheegtay in xaaladdiisa iyo soo kabashadiisa si joogto ah loola socon doono.
Real Madrid ma shaacin muddo rasmi ah oo uu Konaté garoomada uga maqnaan doono, Laakiin wargeyska Sport ayaa sheegay in dhaawaca uu sababi karo inuu ciyaaryahanku maqnaado muddo gaareysa laba toddobaad, Sport ayaa sidoo kale sheegtay in dhaawaca Konaté uusan u muuqan mid halis ah, inkastoo daafaca uu horey u soo maray dhibaatooyin dhowr ah oo jilibka ah labadii sano ee ugu dambeysay, xilligii uu u ciyaarayay Liverpool.
Sida warbixinta Sport lagu sheegay, Konaté waxaa la filayaa inuu diyaar u noqdo kulanka Real Madrid iyo Villarreal ee 10-ka Oktoobar, kaas oo ka tirsan La Liga, Hase yeeshee, Mundo Deportivo ayaa shaki gelisay in Konaté uu waqtigaas si buuxda ugu diyaar noqon karo kulanka Villarreal.
Dhaawaca Konaté ayaa ka dhigan in uu noqday ciyaaryahankii labaad ee Real Madrid ee dhaawacma maalmahan, kaddib markii sidoo kale dhaawac soo gaaray Federico Valverde, Xaaladda Valverde iyo muddada uu garoomada ka maqnaan doono ayaa iyaduna weli aan si rasmi ah loo caddeyn.


