Rio Ferdinand Oo Qiimeeyay Fursadaha Arsenal Ee U Gudbista Final Champions League.

Gunners ayaa shaqo adag ku wajahaysa Paris balse Rio Ferdinand ayaa aaminsan in maskaxdooda ay fure u noqon doonto hadii ay doonayaan inay gaaraan finalka Champions League.

Rio Ferdinand ayaa soo jeediyay fikirkiisa ku aadan kulanka semi-finalka Champions League ee Arsenal ay la ciyaareyso Paris Saint-Germain, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimada maskaxda Gunners oo Doonaysa in ay k Soo laabtaan Guuldaradii lugta 1-aad.

Kooxda Mikel Arteta waxay u baahan doontaa inay ka gudubto guuldarro 1-0 ah iyo sidoo kale jawi qaybsanaan ah oo ku taal Parc des Princes si ay u gaaraan finalka ka dib guuldaradii Salaasadii ka soo gaartay Emirates Stadium.

Isagoo ka hadlaya arintaaa ayaa yidhi”Uma maleynayo inay ku saabsan tahay kartida Arsenal marxaladan, waxaan u maleynayaa inay ku saabsan tahay maskaxda, waxaan u maleynayaa inay ku saabsan tahay maskaxiyan kulankaan. Waxay ku saabsan tahay aaminsanaanta. adag”.

“Arsenal waxa ay awood u leedahay in ay Soo laabtaan laakiin dhibta ayaa ah in ayna Arsenal haysan weeraryahano ay isku halayn Karto una dhalin Kara gooalal”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga