Paul Scholes ayaa aaminsan in buun buuninta ku saabsan magacaabista Ruben Amorim ee Manchester United ay tahay mid soo xasuusanaysa markii uu Erik ten Hag yimid kooxda.
Red Devils ayaa ku dhow inay u magacawdo 39-jirka Sporting CP in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda Man United kadib markii Ten Hag shaqada laga caydhiyay.
Wararka Amorim la xidhiidhinaya ayaa farxad galisay taageerayaasha Kooxda Man United.
Si kasta ha ahaatee Scholes ayaa aaminsan in uu dareemayo sidii uu dareemay markii loo magacaabayay kooxda Erik Ten Hag.
“Waxa aan dareemayaa sidii aan dareemay markii la magacaabayay Erik Ten Hag markii uu yimid Man United”ayuu yidhi halyeeyga Man United.
“England ma daawano ciyaaro badan oo horyaalka Portugal ah sidaas darteed wax badan kama garanayno tababaraha laakiin waxa aan ka maqlayo ayaa ah wax fiican”.
“Waxa aan qabaa in uu Thomas Tuchel yahay tababaraha ku haboon Man United laakiin sida iska cad waxa uu aaday England, waxa uu ahaa tababare hogaamin kara koox weyn waxana uu badiyay kulamo waaweyn”.
Be the first to comment