Garoonka Emirates ayaa martigeliyay guul ay Arsenal ka gaartay Brighton oo ku dhammaatay 2-1, taas oo ka tirsaneyd tartanka Horyaalka Ingiriiska ee Premier League. Ciyaarta kaddib, tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa ka hadlay waxqabadka kooxda, dhaawacyada, iyo saameyntooda guud.
Isagoo ka hadlaya guusha maanta, Arteta wuxuu yiri:
“Waxaan aad ugu faraxsanahay waxqabadka shaqsiyeed iyo kan kooxeedba. Waxaan si weyn u xukunnay ciyaarta, waxaanan abuurnay fursado badan, sidaas darteed natiijadu waxa ay ahayd in ay intaas ka badato”
“Dhaawacii Timber shalay iyo Calafiori oo ku dhawaamay tababarka is kululaynta ayaa nagu qasbay in aan Declan Rice ka ciyaarsiino daafaca dhexe balse wuxuu sameeyay bandhig cajiib ah. Tani waxay muujinaysaa ruuxa ay ciyaartoydeennu leeyihiin iyo rabitaankooda weyn ee guusha.”
Be the first to comment