
Kabtanka Arsenal ee Martin Odegaard, ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay ka dib markii uu lumiyay fursad uu ku gaari lahaa finalka Champions League ee Paris Saint-Germain.
Paris Saint-Germain ayaa iska xaadirisay finalka kadib markii ay 3-1 kaga badisay Arsenal.
Lugtii labaad ayaa kusoo idlaatay garoonka Parc des Princes oo ay guushu ku raacday Paris 2-1.
“Waxaan ciyaarta ku bilownay si wanaagsan, waxaan ahayn kooxdii ugu fiicneyd, waxaan helnay fursado waaweyn oo aan goolal ku dhalin karno, laakiin ugu dambeyntii ma aysan noqon mid nagu filan,” Odegaard ayaa u sheegay BBC Sport.
Waxa uu intaa ku daray: “Si fiican ayaan u soo bandhignay labadii kulan ee ay ciyaareen, laakiin kuma fiicneyn dhanka difaaca iyo weerarka, waxaana amaanteeda iska leh goolhayaha naga soo horjeeda (Donnarumma) oo sameeyay badbaadino waa weyn”.
“Qaab ciyaareedka ma ahayn mid ku filan, taasina waa xanuun,” Kabtanka Arsenal oo hadalkiisa sii wata.
Be the first to comment