Manchester city iyo fadeexadda 13-ka sano socotay: FA cup-kii 2013 oo dib u soo noqday Maxa soo baxay ?

0

Manchester City ayaa mar kale wajahaysa cadaadis xooggan kaddib markii dib loo soo xasuustay dhacdo ka bilaabatay finalkii FA Cup-ka ee 2013, taas oo hadda lala xiriirinayo eedeymihii dhaqaale ee muddo dheer ka taagnaa kooxda.

Finalkii FA Cup-ka 2013, Manchester City ayaa si lama filaan ah 1-0 looga adkaaday, waxaana Wigan Athletic guusha u horseeday Ben Watson oo dhaliyay gool madax ah daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.

Advertisment

Guuldarradaas waxay si weyn u dhaawacday City, iyadoo tababarihii kooxda xilligaas Roberto Mancini uu wax yar kaddib waayay shaqadiisa, waxaana booskiisa loo magacaabay Manuel Pellegrini, Laakiin sida warbixin ay daabacday The Sun sheegtay, arrintu kuma ekaan oo keliya guuldarro ciyaareed.

Waxaa la sheegay in shaqo-ka-eryiddii Mancini ay Manchester City ku kacday ku dhowaad 9.9 milyan oo Pound, taasoo kooxda u abuurtay farqi dhaqaale xilli ay isku diyaarinaysay inay buuxiso shuruudihii UEFA ee Financial Fair Play, Warbixinta ayaa sidoo kale dib u soo qaadatay emailo ay sannadkii 2018 daabacday majaladda Jarmalka ah ee Der Spiegel.

Sida lagu sheegay xogtaas, madaxda Manchester City ayaa ka wada hadlayay sidii loo maareyn lahaa farqiga dhaqaale ee ka dhashay kharashka shaqo-ka-eryidda Mancini, Mid ka mid ah fikradihii la sheegay ayaa ahaa in kooxda ay isticmaasho lacagihii gunno ahaan uga iman lahaa shirkadaha kafaala-qaadka haddii ay City ku guuleysan lahayd FA Cup-ka, Laakiin City koobka ma aysan qaadin, waxaana Wigan Athletic ay ku guuleysatay finalka.

Warbixintu waxay sheegaysaa in markaas laga wada hadlay in dib loo habeeyo ama la beddelo waqtiga qaar ka mid ah lacagihii ay bixinayeen shirkadaha kafaala-qaadka oo ay ka mid ahaayeen Etihad Airways iyo Aabar Investments, Waxaa sidoo kale la sheegay in Jorge Chumillas, oo xilligaas ahaa madaxa maaliyadda Manchester City, uu email ku weydiiyay haddii la beddeli karo taariikhaha lacag-bixinta sponsorship-ka.

Simon Pearce, oo ka tirsanaa guddiga kooxda isla markaana la taliye u ahaa Khaldoon Al Mubarak, ayaa lagu sheegay inuu email-ka kaga jawaabay hadal ahaa: “Of course – we can do what we want”, taasoo Af-Somali ahaan noqonaysa: “Dabcan, waan sameyn karnaa wixii aan rabno.”

Emailadan ayaa markii dambe qayb ka noqday xogtii UEFA ay adeegsatay markii ay Manchester City ku heshay xadgudubyo la xiriira Financial Fair Play sanadkii 2020, UEFA ayaa markaas City ku soo rogtay ganaax iyo labo sano oo laga mamnuucay tartamada Yurub, balse Manchester City waxay racfaan u qaadatay Maxkamadda Ciyaaraha Adduunka ee CAS, taasoo meesha ka saartay mamnuucistii labada sano ahayd.

Hadda, kiiska Premier League ayaa mar kale soo celiyay xusuusta dhacdooyinkaas, Manchester City ayaa lagu helay inay jebisay inta badan eedeymaha dhaqaale ee Premier League uu u soo jeediyay, sida lagu sheegay warbixinta cusub, waxaana kooxda laga filayaa inay si adag uga hortagto go’aanka iyo cawaaqibka ka dhalan kara.

Dhanka kale, dhacdadii Ben Watson iyo Wigan ee 2013, oo markii hore ahayd guuldarro kubadeed oo keliya, ayaa hadda dib loogu soo celiyay doodda ku saabsan sida Manchester City u maareysay arrimaheeda dhaqaale xilligii hore ee mashruuca Abu Dhabi, Manchester City weli waxay ku adkeysanaysaa inay la dagaallami doonto go’aanka Premier League, iyadoo mustaqbalka kooxda iyo ciqaab kasta oo laga yaabo in lagu soo rogo ay noqon doonaan arrimaha ugu waaweyn ee indhaha lagu hayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here