BREAKING: Manchester United oo heshiis la gaartay Mauricio Pochettino kaasoo badalaya Carrick

0

Manchester United ayaa ku dhow inay si rasmi ah u soo gabagabeyso heshiiska Mauricio Pochettino, kaasoo loo qorsheynayo inuu noqdo tababaraha cusub ee kooxda, kadib markii uu Michael Carrick maanta ka tagay xilka.

Wararka ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Manchester United ay heshiis afka ah la gaartay Pochettino iyo kooxdiisa, waxaana hadda socda wadahadallo lala leeyahay Xiriirka Kubadda Cagta Mareykanka (US Soccer Federation) si loo dhammeystiro bixitaanka tababaraha reer Argentina.

Advertisment

Manchester United ayaa doonaysa inay si degdeg ah u soo afjarto dhammaan arrimaha la xiriira qandaraaska Pochettino, iyadoo ilo dhow kooxda ah ay sheegayaan in magacaabistiisa ay tahay arrin waqti kooban ku xiran.

Pochettino ayaa hadda ah tababaraha xulka qaranka Mareykanka, waxaana qandaraaskiisa ku jira qodob lagu burburin karo heshiiska oo lagu qiyaasay £7 milyan, taasoo Manchester United u sahleysa inay soo qaadato tababaraha 54-jirka ah. Wadahadallada lala leeyahay US Soccer ayaa hadda la filayaa inay dardar yeeshaan.

Manchester United ayaa Pochettino muddo dhowr jeer ah u aragtay inuu yahay musharrax ku habboon hoggaanka kooxda. Tababaraha reer Argentina wuxuu hore uga soo shaqeeyay Premier League, isagoo maamulay Southampton, Tottenham Hotspur iyo Chelsea.

Haddii heshiiska la dhameystiro, Pochettino wuxuu noqonayaa tababaraha cusub ee Manchester United xilli kooxda ay ku jirto xaalad adag, iyadoo ay hadda ka soo baxday bilowgii ugu xumaa ee xilli ciyaareed Premier League muddo tobanaan sano ah. United ayaa ku jirta kaalinta 18-aad, iyadoo hal guul oo kaliya ka gaartay 10 kulan oo horyaalka ah.

Wararka hadda soo baxaya waxay muujinayaan in Pochettino uu diyaar u yahay inuu u dhaqaaqo Old Trafford, waxaana kaliya harsan dhammaystirka heshiiska Manchester United iyo US Soccer.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here