Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa sameeyay tallaabo hadal hayn dhalisay kadib ciyaartii Portugal iyo Norway ee UEFA Nations League, iyadoo Portugal ay 2-1 kaga adkaatay Norway.
Ronaldo ayaa kulanka oo dhan ku qaatay kursiga keydka, kadib markii tababaraha Portugal Jorge Jesus uu go’aansaday inuusan ciyaarta kusoo darin, markii garsooruhu ku dhawaaqay dhammaadka ciyaarta, ciyaartoyda Portugal ayaa u dhaqaaqay dhanka taageerayaasha si ay ula dabaaldegaan guusha ay ka gaareen Norway.
Si kastaba ha ahaatee, sida uu qoray wargeyska Portugal ee A Bola, Ronaldo ma uusan raacin ciyaartoyda kale, wuxuuna si toos ah ugu dhaqaaqay qolka labiska, isagoo aan marka hore salaamin taageerayaasha, Tallaabadan ayaa dhalisay hadal hayn, maadaama Ronaldo uu kamid yahay ciyaartoyda ugu caansan xulka Portugal, isla markaana taageerayaashu ay caadiyan ka filaan inuu qeyb ka noqdo dabaaldega kadib guulaha xulka.
Ronaldo ayaa kulankan ka maqnaa garoonka inkastoo uu diyaar u ahaa ciyaarta, waxaana Jorge Jesus uu hore u sheegay sababta uu u doortay inuusan ciyaarta kusoo darin.

