Gabriel Magalhães oo difaacay Raphinha, kana hadlay hadalkiisii muranka dhaliyay

0

“Waxaan nahay ciyaartoy heer sare ah, waxa aan mar walba dooneynana waa inaan ciyaarno. Laakiin Yurub waxaan ciyaarnaa labadii ama saddexdii maalmoodba mar, waxaana jira kulamo aad u badan.”

Gabriel ayaa intaas ku daray in marka ciyaartoydu yimaadaan xulka qaranka Brazil ay doonayaan inay waqtigooda ka faa’iideystaan, waxna bartaan, balse hadallada qaarkood si khaldan loo fahmo.

Advertisment

Wuxuu si gaar ah u caddeeyay in ciyaartoyda Brazil aysan hadalka Raphinha u qaadan inuu xulka u yimid inuu ku nasto, maadaama ay si wanaagsan u garanayaan dadaalka iyo daacadnimada uu u hayo qaranka.

Gabriel ayaa Raphinha ku tilmaamay ciyaaryahan ku dayasho mudan oo muhiim u ah xulka Brazil.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here