Kabtan-ka Manchester United Bruno Fernandes ayaa laga reebay kulanka Portugal ay Axadda la ciyaari doonto Norway, kadib markii uu dhaawac soo gaaray, Fernandes oo 32 jir ah ayaa qeyb ka ahaa kulankii Portugal ay 1-0 kaga adkaatay Wales Khamiistii, balse waxaa lagu beddelay daqiiqadihii dambe ee ciyaarta.
Tababaraha Portugal Jorge Jesus ayaa xaqiijiyay in Fernandes uusan ciyaari doonin kulanka Norway, isagoo sidoo kale sheegay in xiddigu uu dhaawac iyo xanuun la ciyaarayay kulamadii ugu dambeeyay.
Jesus ayaa yiri: “Kulankii Wales, Bruno Fernandes wuxuu garoonka uga baxay dhibaato adag”, Tababaraha ayaa intaas ku daray in Fernandes uu u sheegay inuu xanuunkaas la tacaalayay qiyaastii saddex kulan, taasina ay ka mid ahayd sababihii uu kulankii Wales uga hoos maray heerkiisii caadiga ahaa.
Jesus wuxuu sheegay inuu doorbiday inuu Bruno ka ilaaliyo kulanka Norway si uu si buuxda ugu soo kabsado, isagoo doonaya inuu diyaar u noqdo kulanka Denmark ee ka dhacaya Copenhagen Khamiista.
Wararkan ayaa walaac ka dhex abuuraya Manchester United, maadaama Fernandes uu xilli ciyaareedkan door muhiim ah ku lahaa kooxda, Xiddiga reer Portugal wuxuu 90 daqiiqo ciyaaray dhammaan shanta kulan ee Premier League ee Manchester United ilaa hadda, sidoo kale wuxuu dhammeystay kulankii Champions League ee ay 4-0 kaga adkaadeen Sabah.
Waxaa sidoo kale la soo geliyay qeybtii dambe ee kulankii Carabao Cup ee Brighton, xilli United ay lumisay hoggaan labo gool ah oo ay gurigeeda ku lahayd, Fernandes ayaa xilli ciyaareedkan sidoo kale si weyn ugu lug lahaa guushii kaliya ee Manchester United ka gaartay Premier League, taasoo ahayd 5-2 ay uga adkaadeen Ipswich, waxaana kulankaas uu dhaliyay hat-trick.

