Man City, Arsenal Mise Liverpool? Cole Palmer Oo Sheegay Kooxda Uu Doonayay In Ay Ku Guulaysto Premier League

Xiddiga kooxda chelsea ee Cole Palmer ayaa shaaca ka qaaday cida uu doonayay in uu ku guulaysto horyaalka premier League xilli ay kooxaha Man City,Arsenal iyo Liverpool u dagaalamayeen hanashada horyaalka premier League.

Inkasta Oo ay tartan adag kala kulantay Arsenal Iyo Liverpool, man City ayaa markii 4-aad oo xidhiidh ah ku guulaysatay horyaalka premier league xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Palmer ayaa doonayay in ay Kooxdiiii hore ku guulaysato horyaalka premier league.

“Waxaan rajaynayay in Man City ay ku guulaysato horyaalka maadaama aan saaxiibo badan ku helay halkaas, marka waan ku faraxsanahay inay sidaas sameeyeen,” Palmer ayaa u sheegay The Sun.

“Laakin gabi ahaanba wax qoomamo ah ma jirto go’aanka aan qaatay”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga