Halyeeygii Arsenal Lee Dixon, ayaa hadal geesinimo leh ka sheegay fursadda kooxda Manchester City Ee ku guuleysiga horyaalka Premier League, ka hor kulanka ay la ciyaarayaan Gunners.
Man City ayaa si cajiib ah ku bilaabatay xilli ciyaareedkan, iyadoo hoggaan ka sameysatay liiska kala sarreynta Premier League, balse natiijooyinkooda iyo qaab ciyaareedkooda ayaa si weyn hoos ugu dhacay toddobaadyadii ugu dambeeyay.
Kooxda uu maamulo Enzo Maresca ayaa u dhacday kaalinta saddexaad Ee Kala sareynta Horyaalka Premier League, kaddib markii ay badisay hal kulan oo keliya toddobadii kulan Ee ugu dambeysay dhammaan tartamada oo idil ciyaareen.
Dhanka kale, Arsenal waxay dhibaatooyin ka qabtaa weerarkeeda, balse waxay lix dhibcood ku qabatay hoggaanka Premier League, kaddib markii ay badisay sagaal ka mid ah 11-kii kulan ee ugu horreeyay.
Toddobaadkan maalinta beritoole Ee axada ah, kooxda Arsenal ayaa garoonkeeda Emirates stadium ku martigelin doonta Man City oo ka mid ah kooxaha kula tartamaya hanashada horyaalka.
Khabiirka kubadda cagta Paul Merson ayaa ku dooday in kooxda Maresca ay tartanka horyaalka ka hari doonto haddii laga badiyo kulankaas.
“Marka ay weerarka qaadayaan oo ay kubadda heystaan, waxay u baahan yihiin inay meel u helaan Cherki iyo Doku, sida aan anigu qabo. Kooxdooda waxaa ku jira xiddigo saaxir leh oo tayo gaar ah leh,” ayuu Merson ka sheegay Sky Sports.
“Laakiin marka aysan kubadda heysan, ma fiicna. Weli waa koox khatar ah. Mar dhow ama goor dambe, mar kale ayay qaab ciyaareedkooda heli doonaan marka ay koox la ciyaarayaan, waxaana ay si buuxda u burburin doonaan kooxdaas.’
“Ma garanayo goorta ay taasi dhici doonto, balse waa inay hubiyaan inaysan toddobaadkan Emirates kaga soo laaban guuldarro.”
“Haddii laga badiyo, waxay sagaal dhibcood ka dambeyn doonaan. Aniga ahaan, intaas ayay ku dhammaaneysaa, wax fursad ah oo ay Arsenal kula tartami karaan ma yeelan doonaan kaddib.”
“Waxay lumiyeen cabsidii ay kooxaha kale ku abuuri jireen. Weli waa koox kubadda cagta aad ugu wanaagsan oo leh ciyaartoy tayo sare leh, balse sida aan sheegay, marka aysan kubadda heysan ma fiicna.”
Lee Dixon ayaa diiday in Manchester City laga saaro tartanka horyaalka:
Si kastaba ha ahaatee, Dixon ayaa ku dooday inaan Man City laga saarin tartanka horyaalka, xitaa haddii laga badiyo kulanka toddobaadkan ay Hogaamiyaasha Horyaalka la ciyaarayaan.
“Anigoo taageere Arsenal ah, kaddib markii aan arkay Arsenal oo xilli ciyaareedkii hore ku guuleysatay inay hadafkeeda gaarto, hadda waxaad heysataa wax aad ku tiirsanaato. Runtii waxaan aaminsanahay in marka laga eego dhinaca taageeraha, haddii aad aragto Arsenal oo Axadda garaacaysa City, aad is dhihi karto arrintu halkaas ayay ku dhammaatay,” ayuu Dixon u sheegay The Metro.
“Si kastaba ha ahaatee, marka aad tahay ciyaaryahan, ma arki doontid midkoodna oo soo baxaya oo leh, ‘Arrintu way dhammaatay’, sababtoo ah City waxay heysataa tayo aad u badan.”
“Dhammaanteen waan ognahay in City ay guuleysan karto toban kulan oo xiriir ah, sidaas darteed mar walba waxay heysan doonaan fursaddaas.”
“Waqtigan xaadirka ah, marka laga eego dhinaca dhibcaha, cadaadiska saaran Arsenal Ee hoggaanka horyaalka wuu ka yar yahay, waxaana muuqata in horyaalku yahay mid ay iyagu lumin karaan. Laakiin hadda, weli waa xilli hore in la yiraahdo tartanku wuu dhammaaday haddii Arsenal ay Axadda badiso.”

