Dhowr ciyaaryahan oo ka tirsan Premier League ayaa hadda hal kaar jaalle oo keliya u jira in laga ganaaxo hal kulan.
Saddex ciyaaryahan ayaa horay u qaatay ama hadda ku jira ganaax hal kulan ah, kaddib markii ay uruursadeen shan kaar jaalle ah Premier League xilli ciyaareedkan. Haddaba, waa kuwee xiddigaha kale ee hal tallaabo u jira ganaax?
Khadka dhexe ee Hull City, Matt Crooks, iyo daafaca midig ee Aston Villa, Matty Cash, ayaa ahaa labadii ciyaaryahan ee ugu horreeyay ee xilli ciyaareedkan Premier League gaaray shan kaar jaalle ah. Crooks ayaa seegay kulankii ay Hull City guuldarrada ciriiriga ah ee 1-0 kala kulantay Arsenal, halka Cash uu ganaaxiisa qaatay maalin kaddib, markii Aston Villa ay 4-4 barbarro la gashay Man Utd garoonka Old Trafford.
Xiddiga khadka dhexe ee Crystal Palace, Yeremy, ayaa noqday ciyaaryahankii saddexaad ee la siiyo ganaax hal kulan ah, kaddib markii uu qaatay kaarkiisii shanaad ee jaallaha ahaa qeybtii labaad ee kulankii ay 3-2 kaga badiyeen Coventry City. Taas ayaa keentay inuu seego kulanka muhiimka ah ee Axadda, oo loogu yeero ‘lix-dhibcoodley’, kaasoo ay la ciyaarayaan Hull City 29-ka Nofeembar.
Sida ku cad xeerarka rasmiga ah ee anshaxa xiriirka FA, ciyaaryahan kasta oo uruursada shan kaar jaalle ah 19-ka kulan ee ugu horreeya xilli ciyaareedka Premier League, waxaa laga ganaaxayaa hal kulan oo ka tirsan isla tartanka.
Ciyaartoyda qaata 10 kaar jaalle ah ilaa iyo wareegga 32-aad ee horyaalka, waxaa la siin doonaa ganaax labo kulan ah oo ka tirsan tartanka.
Iyadoo jadwalka ciyaaraha badan ee xilliga Kirismaska uu soo dhowaanayo, kooxuhu waxay rajeynayaan in xiddigahoodu ay ka fogaadaan kaarar jaalle ah oo aan loo baahnayn, si aysan halis ugu gelin inay seegaan kulamo muhiim ah.
Waqtiga qoraalkan la diyaarinayay, 17 ciyaaryahan oo ka tirsan Premier League ayaa hal kaar jaalle u jiray ganaax hal kulan ah, waxaana ku jira xiddiga Liverpool Bradley Barcola iyo daafaca dhexe ee Man Utd Harry Maguire.
Waa kan Liiska Ciyaartoyda Hal kaar jaale u jira in kulan Premier League ah la ganaaxo:
Bournemouth – Adam Smith, Antonio Silva, Marcus Tavernier
Brentford – Igor Thiago, Vitaly Janelt
Brighton & Hove Albion – Chema Andres, Olivier Boscagli, Pascal Gross
Fulham – Calvin Bassey
Hull City – Oli McBurnie
Leeds United – Ethan Ampadu, Jayden Bogle
Liverpool – Bradley Barcola, Alexis Mac Allister
Manchester United – Harry Maguire
Nottingham Forest – James McAtee, Murillo
Dhowrkaan ciyaaryahan oo liiskaas ku jira ayaa aad ugu dhow inay qaataan ganaax hal kulan ah ka hor inta uusan dhammaanin xadka 19-ka kulan, halka ciyaartoy intaas ka badan ay hadda labo kaar jaalle oo keliya u jiraan ganaax.
Rikoorka kaararka jaallaha ah ee ugu badan hal xilli ciyaareed oo Premier League ah waa 14, waxaana si wadajir ah u heysta toddobo ciyaaryahan.
Toddobadaas ciyaaryahan, Étienne Capoue ayaa ah kan keliya ee sidoo kale qaatay kaar cas, taasoo ka dhigaysa wadarta 15-kaar ee uu hal xilli ciyaareed qaatay tiradii ugu badneyd ee taariikhda Premier League.
Gareth Barry ayaa heysta rikoorka guud ee kaararka jaallaha ah ee taariikhda Premier League, isagoo intii uu ku jiray xirfaddiisa ciyaareed ee quruxda badneyd urursaday tiro la yaab leh oo dhan 123 kaar jaalle ah.

