Kooxda Bayern Munich ayaa si rasmi ah u shaacisay in xiddigeeda Jamal Musiala uu dhaawac muruqa ah ka soo gaaray bowdada midig, isla markaana uu garoomada ka maqnaan doono muddo aan la cayimin.
Kooxda ayaa xaqiijisay in baaritaanno caafimaad lagu ogaaday dhaawaca, iyadoo wararkii ugu horreeyay ay sheegayaan in Musiala uu maqnaan karo 4 ilaa 6 toddobaad, taas oo ka dhigan inuu seegi karo inta ka dhiman sannadkan.
Advertisment
Dhaawacan ayaa kusoo aadaya xilli Musiala uu wajahayo xaalad adag oo dhanka caafimaadka iyo mustaqbalkiisa ciyaareed ah.
Ads

