DEG DEG Ronaldo oo hada soo gaaray Magaalada Madrid & Xiisada Isaga & portugal udhaxeysa oo cirka gashay

0

Cristiano Ronaldo ayaa dib ugu laabtay magaalada Madrid, isagoo halkaas ka degay abbaaraha 2:00 habeenimo waqtiga maxalliga ah, kadib markii uu ka baxay xerada xulka Portugal.

Ronaldo ayaa la sheegay inuu go’aansaday inuusan qeyb ka noqon doonin xulka Portugal ee kulamada soo socda, xilli uu khilaaf kala dhexeeyo tababaraha xulka, Jorge Jesus.

Advertisment

Xiisadda ayaa ka dhalatay go’aankii Jorge Jesus uu Ronaldo ugu reebay kursiga keydka kulankii Portugal iyo Norway, inkastoo markii hore la sheegay inuu ciyaaryahanku qorsheynayay inuu kulankaas qeyb ka noqdo.

Kadib dhacdooyinka soo noqnoqday, Ronaldo wuxuu ka baxay xerada tababarka Portugal, waxaana uu diyaarad gaar ah ugu duulay Madrid.

Tallaabadan ayaa sii xoojisay wararka sheegaya in Ronaldo uu soo afjaray waayihiisa xulka qaranka Portugal, inkastoo xaaladda rasmiga ah iyo go’aanka kama dambaysta ah ay weli ku xirnaan doonaan xaqiijinta Xiriirka Kubadda Cagta Portugal iyo Ronaldo laftiisa.

Ronaldo ayaa muddo dheer ahaa kabtanka iyo xiddiga ugu muhiimsan xulka Portugal, waxaana bixitaankiisa xilligan uu noqon karaa isbeddel weyn oo ku yimaada xulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here