Halyeeygii hore ee kubadda cagta England, Gary Lineker, ayaa shaki weyn ka muujiyay in Mauricio Pochettino uu guul ka gaari karo shaqada tababaranimo ee Manchester United.
Lineker ayaa sheegay in Pochettino laga yaabo inuu kooxda ku bilowdo natiijooyin wanaagsan, balse uusan filayn inuu muddo dheer ku sii nagaado Old Trafford, isagoo xitaa sheegay inuu la yaabi doono haddii uu kooxda joogo 18 bilood kadib.
Wuxuu aaminsan yahay in dhibaatada dhabta ah ee Manchester United aysan ka imaan tababarayaasha, balse ay ka jirto maamulka sare ee kooxda, gaar ahaan milkiilayaasha Glazers iyo Sir Jim Ratcliffe.
Lineker ayaa sidoo kale ku dhaliilay maamulka kooxda inaysan si wanaagsan u taageerin Michael Carrick suuqa kala iibsiga xagaagii, isagoo xusay in tababarayaashii hore badankood ay kooxda uga tageen cabashooyin la xiriira maamulka.

