Tababaraha cusub ee Manchester United, Mauricio Pochettino, ayaa la filayaa inuu awood weyn ku yeesho qorshaha suuqa kala iibsiga kooxda, iyadoo la sheegay inuu doonayo saddex ciyaaryahan oo cusub si uu dib ugu dhiso safka Red Devils.
Sida uu qoray wariyaha Alex Crook oo ka tirsan talkSPORT, Pochettino ayaa doonaya in Manchester United ay suuqa Janaayo la soo wareegto daafac bidix, daafac dhexe iyo weeraryahan.
Magacyada lala xiriirinayo kooxda waxaa ka mid ah Antonee Robinson oo ka tirsan Fulham, Nathan Collins oo Brentford u ciyaara, Calvin Bassey iyo weeraryahanka Folarin Balogun.
Pochettino ayaa heshiis labo sano iyo bar ah la gaaray Manchester United, isagoo beddelaya Michael Carrick. Tababaraha reer Argentina ayaa marka hore hoggaamin doona xulka Mareykanka kulanka Haiti ee 18-ka November, kaddibna wuxuu u safri doonaa Manchester si uu shaqadiisa cusub u bilaabo.
Alex Crook ayaa sheegay in Pochettino uu ku jiro xaalad awood badan, taasoo u saamaxaysa inuu maamulka kooxda ka dalbado taageero dhaqaale iyo saxiixyada uu u baahan yahay, kana helo awood ka badan tii uu suuqa kala iibsiga ku lahaa Michael Carrick.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in mustaqbalka Harry Maguire, Luke Shaw iyo Lisandro Martinez uu mugdi ku jiro, isla markaana ay suurtagal tahay in qaar ka mid ah ciyaartoydaas ay kooxda ka tagaan suuqa Janaayo.
Dhanka qiimaha, Antonee Robinson, Nathan Collins iyo Folarin Balogun ayaa midkiiba lagu qiyaasay ku dhowaad 40 milyan oo gini, taasoo ka dhigan in saddexdooda ay Manchester United ku kici karaan lacag gaareysa 120 milyan oo gini.
Calvin Bassey ayaa isaguna ka mid ah daafacyada ay United qiimeyneyso, waxaana la sheegay in kooxda ay u aragto beddel macquul ah haddii ay go’aansato inay iibiso Lisandro Martinez.
Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Pochettino uu maamulka Manchester United u gudbiyay magacyada Folarin Balogun iyo Alex Freeman oo labaduba xiriir wanaagsan la leh xulka Mareykanka, si loogu daro liiska ciyaartoyda la beegsanayo suuqa Janaayo.