Warbaahinta Portugal ayaa sheegaysa in Cristiano Ronaldo uu qaatay go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan mustaqbalkiisa xulka qaranka, kadib xiisaddii dhowaan dhex martay isaga iyo tababaraha Portugal, Jorge Jesus, Sida lagu sheegay warbixinta, Ronaldo ayaa go’aansaday inuu ka fariisto ciyaaraha caalamiga ah, isla markaana uusan mar dambe xiran doonin funaanadda xulka Portugal.
Xiisadda ayaa bilaabatay kadib markii Ronaldo uu kursiga keydka ku jiray ciyaartii Portugal iyo Norway, isagoo aan ciyaarta soo gelin, kadib go’aanka uu qaatay Jorge Jesus. Arrintaas ayaa la sheegay inay ka careysiisay kabtanka Portugal, Ronaldo ayaa markii dambe kulan la yeeshay madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Portugal iyo Jorge Jesus, waxaana la sheegay in khilaafkii dhinacyadaasi uu xal ku dhammaaday.
Si kastaba ha ahaatee, saacado kadib waxaa soo baxay muuqaal muujinaya Ronaldo oo ka baxaya xerada tababarka xulka Portugal, kadib shir jaraa’id oo uu qabtay Jorge Jesus, Ronaldo ayaa sidoo kale qoraal xooggan ku daabacay bartiisa rasmiga ah ee Instagram-ka, kaas oo loo fasirtay inuu si cad u tilmaamayo inuu ka fikirayo inuu soo afjaro waayihiisa xulka qaranka.
Sida ay sheegtay wargeyska Portugal ee O Jogo, Ronaldo ayaa hadda go’aansaday inuu ka fariisto ciyaaraha caalamiga ah, waxaana la sheegay inuusan mar dambe xiran doonin funaanadda Portugal, iyadoo warbixintu tilmaamayso in go’aankaasi yahay mid uusan doonayn inuu dib uga laabto.
Ciyaartii ugu dambeysay ee Ronaldo uu u saftay Portugal, sida warbixintan lagu sheegay, waxay ahayd kulankii Wales, kaas oo Portugal ay ku badisay 1–0.
Haddii go’aankan uu xaqiijmo, wuxuu noqon karaa mid ka mid ah isbeddellada ugu waaweyn ee taariikhda xulka Portugal, maadaama Ronaldo uu muddo dheer ahaa kabtanka iyo xiddiga ugu muhiimsan xulka.

