Daawo: Somaliland Oo Ka Soo Muuqatay Final-kii Galmudug & Hirshabeele, Qaab Noocee Ah.

Waxa Isniintii la soo afjaray tartanka Maamul Goboleedyada Somaliya iyada oo kulan xiiso leh lagu ciyaaray garoonka Muqdisho Staduim.

Si kasta ha ahaatee waxa indhaha baraha bulshada qabtay calanka Somaliland oo ka soo muuqda garoonka dhexdiisa.

Waxa jiray taageerayaal badan oo kala duwan oo haysta calamaanta kala duwan ee maamul Goboleedyada Somaliya.

Waxa la arkay taageerayaal wata calanka Somaliland inaksta oo ayna Somaliland ka mid ahayn maamul Goboleedyada Somaliya.

Somaliland ayaa gooni uga goosatay Somaliya inteeda kale sanadkii 1992 markaas oo ay dhisteen dawlada, ciidamo lacag iyo waliba calan gaar ah.

Si kasta ha ahaatee waxa jira dad ka soo jeeda Somaliland oo ku nool muqdisho kuwaas oo soo qaatay Calanka Somaliland.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga