Tababaraha xulka Portugal, Jorge Jesus, ayaa ka hadlay sababta kabtanka kooxda, Cristiano Ronaldo, uusan u ciyaarin kulankii ay Portugal la yeelatay Norway, Jorge Jesus ayaa sheegay in markii hore uu qorsheynayay inuu Ronaldo ciyaarta soo geliyo, balse sida ay ciyaartu u socotay ay keentay inuu beddelo qorshihiisa: “Waxaan ka fikirayay in Cristiano uu soo galo, laakiin ciyaartu waxay go’aamisaa waxyaabo kale,” ayuu yiri Jorge Jesus.
Tababaraha Portugal ayaa sidoo kale sheegay in uu dareemay in waqtigaas uusan ahayn xilligii ku habboonaa in Ronaldo garoonka la geliyo, isagoo caddeeyay in go’aanka uusan la xiriirin xaaladda jir ahaaneed ee xiddiga: “Waxaan dareemay inuusan ahayn waqtigii saxda ahaa ee aan ciyaarta gelin lahaa. Waxaa weli jira laba kulan oo kale, laakiin ma ahayn inaan jir ahaan ilaaliyo, diyaar ayuu ahaa,” ayuu Jorge Jesus ku daray.
Hadalkan ayaa meesha ka saaray shakiga laga qabay in Ronaldo uu dhibaato jireed qabay, iyadoo Jorge Jesus uu si cad u sheegay in xiddiga reer Portugal uu diyaar u ahaa inuu ciyaaro.
Portugal ayaa weli haysata laba kulan oo soo socda, taasoo Ronaldo siinaysa fursado kale oo uu kaga qeyb qaato kulamada xulka.

