Bernardo Silva Oo Magacaabay Cidda Masuulka Ka Ah Guuldaradii FA Cup-ka

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City, Bernardo Silva, ayaa ku eedeeyay caawiyaha garsooraha ee VAR, inuu mas’uul ka ahaa guuldaradii Cityzens FA Cup ee Sabtidii ka soo gaartay Crystal Palace.

Waxa uu muujiyay sida uu uga xun yahay VAR ay ku guuldareysatay inay ciyaarta ka saarto Goolhayaha kooxda Crystal Palace ee Dean Henderson.

Crystal Palace ayaa daqiiqadii 16-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Eberechi Eze.

Inkasta oo ay City ku gacan saraysay kubbad haysashada (78.3%), ay lahayd darbo badan (23-7) iyo darbo bartilmaameed (6-2), ma ay awoodin in ay gool dhaliyaan, xitaa waxa ay khasaariyeen rigoore intii ay socotay.

Wax yar ka hor inta uusan badbaadin rigoore Manchester City, Henderson ayaa ciyaarta laga saari gaadhay xiddiga Haaland kadib khalad uu galay.

Si kastaba ha ahaatee, VAR ayaa si kale u fikirtay, taasoo kicinaysa ciyaartoyda City iyada oo Henderson sameeyay badbaadino badan oo cajiib ah.

Silva ayaa yiri”Waxaad ka ciyaareysaa horyaalka ugu fiican adduunka, kooxuhu waxay u shaqeeyaan wax badan si ay u yimaadaan marxaladahan iyo si ay u soo bandhigaan. Haddii aan guuldarraysano, waa inay noqotaa – anaga ama koox kasta – sababtoo ah si fiican uma soo bandhigno. Waa inaysan noqon sidan oo kale. Markaad haysato tiknoolajiyada, ma jirto wax cudurdaar ah oo qalad ah oo dhacaya”.

“Ma jecli inaan cudur daar ka bixiyo dhamaadka ciyaaraha nalaga badiyay, waxaan doonayaa inaan amaan siiyo kooxda Palace, sababtoo ah waa koox aad u fiican, way u qalmeen, waxay u ordeen sidii waalan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga