
Weeraryahankii hore ee Tottenham Hotspur, Darren Bent ayaa u sheegay Arsenal 3 saxiixa oo ay la soo saxiixdaan suuqa xagaaga.
Arsenal ayaa xilli ciyaareedkan ku dhamaysan doonta koob la’aan kadib markii ay dhawaan ka soo hartay tartanka UEFA Champions League.
Si kastaba ha ahaatee, Bent ayaa doonaya in kooxda Premier League ee Waqooyiga London ay la soo wareegto ciyaaryahanada ay ka midka yihiin Nico Williams oo u ciyaara Athletic Club, xiddiga Sporting Lisbon ee Viktor Gyokeres iyo xiddig khadka dhexe ee kooxda Real Sociedad ee Martin Zubimendi si ay ugu xoojiyaan kooxdooda xilli ciyaareedka soo socda.
Waxa uu aaminsan yahay in kooxda Mikel Arteta ay ku guuleysan karto horyaalka Premier League xilli ciyaareedka soo socda haddii ciyaartoyda aan kor ku xusay.
Isagoo ka hadlayay talkSPORT, Bent ayaa soo xushay shaxda ugu fiican ee ugu macquulsan Gunners xilli ciyaareedka soo socda, waxaana uu kaliya seddex isbedel ku sameeyay shaxda haatan.
Bent wuxuu yiri: “David Raya goolka, ka dib waxaan aaday waxa aan u doortay Goolka halka daafaca aan u doortayBen White, Saliba, Gabriel, Myles Lewis-Skelly”.
“3- xiddig ee Khadka dhexe ee Zubimendi ama Partey kuwaas oo wehelin doona Odegaard iyo Rice”.
“Dhanka bidix, Nico Williams, waan jeclahay isaga. Qayb ka mid ah kooxda aadka u guulaystay ee Spain. 100 boqolkiiba wuu ka fiican yahay Martinelli”.
“Trossard wuxuu u baahan yahay inuu tago, sidaas darteed waxaad weli u baahan tahay laba, marka waxaan aadi lahaa Nico Williams bidixda halka uu weerarka ka ciyaarayo Viktor Gyokeres.”
Be the first to comment