• WARARKA MAANTA
  • TOP 5 LEAGUES
    • PREMIER LEAGUE
    • ITALY
    • LA LIGA
  • NEWS ARABIC
  • ENGLISH NEWS
  • WARBIXINO GAAR AH
  • BALLON DIOR
Kooxda.com l Wararkii ugu dambeeyey ee ciyaaraha
  • WARARKA MAANTA
  • TOP 5 LEAGUES
    • PREMIER LEAGUE
    • ITALY
    • LA LIGA
  • NEWS ARABIC
  • ENGLISH NEWS
  • WARBIXINO GAAR AH
  • BALLON DIOR
No Result
View All Result
  • WARARKA MAANTA
  • TOP 5 LEAGUES
    • PREMIER LEAGUE
    • ITALY
    • LA LIGA
  • NEWS ARABIC
  • ENGLISH NEWS
  • WARBIXINO GAAR AH
  • BALLON DIOR
No Result
View All Result
Kooxda.com l Wararkii ugu dambeeyey ee ciyaaraha
No Result
View All Result

Rasmi:- Real Madrid oo shaacisay dhaawaca Konaté iyo muddada laga yaabo inuu maqnaado

kooxda.com by kooxda.com
September 25, 2026
in BALLON DIOR, ITALY, LA LIGA, PREMIER LEAGUE, TOP 5 LEAGUES, WARARKA MAANTA, WARBIXINO GAAR AH
0
Rasmi:- Real Madrid oo shaacisay dhaawaca Konaté iyo muddada laga yaabo inuu maqnaado

Real Madrid ayaa si rasmi ah u shaacisay xaaladda caafimaad ee daafaceeda cusub Ibrahima Konaté, kaas oo dib ugu soo laabtay kooxdiisa kaddib markii uu ka baxay xerada xulka qaranka Faransiiska.

Konaté ayaa ka baxay xerada xulka Faransiiska intii lagu jiray fasaxa caalamiga ah, kaddib markii uu dareemay xanuun ka soo gaaray jilibka. Wararkii hore ayaa sheegayay in dhaawacu yahay murgacasho fudud.

Si kastaba, Real Madrid ayaa war rasmi ah ku xaqiijisay in Konaté uu qabo dhaawac ku yimid seedda dhinaca ee lugtiisa midig, iyadoo kooxdu sheegtay in xaaladdiisa iyo soo kabashadiisa si joogto ah loola socon doono.

Real Madrid ma shaacin muddo rasmi ah oo uu Konaté garoomada uga maqnaan doono, Laakiin wargeyska Sport ayaa sheegay in dhaawaca uu sababi karo inuu ciyaaryahanku maqnaado muddo gaareysa laba toddobaad, Sport ayaa sidoo kale sheegtay in dhaawaca Konaté uusan u muuqan mid halis ah, inkastoo daafaca uu horey u soo maray dhibaatooyin dhowr ah oo jilibka ah labadii sano ee ugu dambeysay, xilligii uu u ciyaarayay Liverpool.

Sida warbixinta Sport lagu sheegay, Konaté waxaa la filayaa inuu diyaar u noqdo kulanka Real Madrid iyo Villarreal ee 10-ka Oktoobar, kaas oo ka tirsan La Liga, Hase yeeshee, Mundo Deportivo ayaa shaki gelisay in Konaté uu waqtigaas si buuxda ugu diyaar noqon karo kulanka Villarreal.

Dhaawaca Konaté ayaa ka dhigan in uu noqday ciyaaryahankii labaad ee Real Madrid ee dhaawacma maalmahan, kaddib markii sidoo kale dhaawac soo gaaray Federico Valverde, Xaaladda Valverde iyo muddada uu garoomada ka maqnaan doono ayaa iyaduna weli aan si rasmi ah loo caddeyn.

Tags: ciyaarolaacibwararka ciyaaraha
Previous Post

Rogers: Ronaldo wuxuu ahaa xiddiggii aan jeclaa, balse Messi ayaan la yaabay markii aan wajahnay

Next Post

Ronaldo oo Portugal guul ku hoggaamiyay, Haalandna Norway

Next Post
Ronaldo oo Portugal guul ku hoggaamiyay, Haalandna Norway

Ronaldo oo Portugal guul ku hoggaamiyay, Haalandna Norway

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *




Inter Miami Contract Talks With Lionel Messi: The Truth About a Possible Extension Beyond 2028

WARBIXNADA XIISAHA LEH

  • RASMI:- Xulka Faransiiska oo war rasmi ah ka soo saaray dhaawaca Mbappé
  • ZIDANE oo xaalad argagax leh kasoo bandhigay dhaawaca Mbappe & Wararkii ugu dambeeyey
  • DEG DEG Mbappe oo dhaawac xoogan soo gaaray waa sidee xaaladiisa ?
  • Ra’iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay fadeexadii & eedeymaha Manchester City
  • WAR CULUS:- Manchester City oo wajahaya liis ciqaabo oo culus kadib eedeymaha dhaqaale

Categories

  • BALLON DIOR
  • ENGLISH NEWS
  • ITALY
  • LA LIGA
  • NEWS ARABIC
  • PREMIER LEAGUE
  • TOP 5 LEAGUES
  • WARARKA MAANTA
  • WARBIXINO GAAR AH







      © 2026 JNews - Premium WordPress news & magazine theme by Jegtheme.

      No Result
      View All Result

          © 2026 JNews - Premium WordPress news & magazine theme by Jegtheme.