Vinicius Junior Oo Brazil Ku Hogaamiyay Guul Ay Ka Gaadheen Xulka Scotland

Xulka qaranka Brazil ayaa guul muhiim ah oo 3-0 ah ka gaaray dhiggiisa Scotland kulankii ka tirsanaa wareegga saddexaad ee heerka guruubyada Koobka Adduunka 2026, kaas oo lagu ciyaaray garoonka Hard Rock Stadium.

Brazil ayaa ciyaarta si xooggan ku bilaabatay, waxaana daqiiqaddii 7-aad goolka furitaanka u dhaliyay Vinicius Junior, kaddib caawin uu ka helay Ryan Vitor Rocha, taasoo Samba-da siisay hoggaan hore.

Vinicius ayaa sii watay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa qeybtii hore. Inkastoo uu dhaliyay gool labaad daqiiqaddii 22-aad, haddana waxaa loo diiday qalad uu galay ciyaaryahan Brazilian ah. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu markale shabaqa gaaray waqtigii dheeriga ahaa ee qeybta hore (45+3), isagoo ka faa’iideystay kubbad qurux badan oo uu u dhiibay Bruno Guimarães, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay iyadoo Brazil ay hoggaamineyso 2-0.

Qeybtii labaad, gaar ahaan daqiiqaddii 60-aad, Matheus Cunha ayaa dhaliyay goolka saddexaad ee Brazil, kaddib caawin kale oo uu ka helay Bruno Guimarães, isagoo kubbadda si hoose ugu dhaliyay shabaqa.

Guushan kadib, Brazil waxay gaartay 7 dhibcood, waxayna ku soo baxday kaalinta koowaad ee Group C, iyadoo kaga sarreysa Morocco farqiga goolasha. Dhanka kale, Scotland waxay ku hartay 3 dhibcood, iyadoo ku dhamaysatay kaalinta saddexaad ee guruubka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga