Jose Mourinho Oo Sheegay Sababta Uu Ugu Soo Laabtay Real Madrid.

José Mourinho ayaa qirtay in jacaylka weyn ee uu u qabo Real Madrid uu yahay sababta ugu weyn ee uu dib ugu soo laabtay maamulka kooxda.

Tababaraha 63-jirka ah ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay inuu noqon doono tababaraha cusub ee Los Blancos kahor xilli ciyaareedka 2026/2027.

Tani waxay noqon doontaa markii labaad ee Mourinho uu maamulo Real Madrid, maadaama uu kooxda hoggaaminayay intii u dhaxaysay 2010 ilaa 2013.

Mudadii ugu horreysay ee uu joogay Santiago Bernabéu, Mourinho wuxuu ku guuleystay horyaalka La Liga, Copa del Rey iyo Spanish Super Cup.

Hadda wuxuu la wareegayaa koox laba xilli ciyaareed oo xiriir ah ku dhamaysatay iyada oo aan wax koobab ah ku guuleysan.

Si kastaba ha ahaatee, Mourinho wuxuu sheegay in jacaylka uu u qabo Real Madrid uu ka weyn yahay caqabad kasta oo hortaalla.

“Waan jeclahay Real Madrid, taasina waa sababta aan dib ugu soo laabanayo. Ma qarinayo arrintaas,” ayuu Mourinho u sheegay warbaahinta”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga