DEG-DEG: Chelsea Oo Dhamaystirtay Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Suuqa Xagaaga.

Kooxda chelsea ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga Marco Palestra kaas oo ay kala soo wareegtay Atalanta.

Dhammaan dhinacyada ayaa gaadhay heshiis afka ah oo dhammaystiran.

Kooxda Atalanta waxay heli doontaa lacag ka badan €55 milyan, iyadoo heshiiska uu sidoo kale ku jiro qodob ay mustaqbalka qayb uga heli doonto iibkiisa.

Da’yarka hibada badan ee Talyaaniga ee ka ciyaara garabka midig ee daafaca  ayaa saxiixi doona heshiis muddo dheer ah.

Chelsea ayaa afduubatay qorshihii Inter Milan ee ciyaaryahanka, waxayna heshay hibo cusub oo uu tababare Xabi Alonso ku xoojin doono kooxdiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga