Xulka Argentina Oo Garaacay Xulka Austria

Xulka qaranka Argentina ayaa guul muhiim ah ka gaaray dhiggiisa Austria kadib markii ay ku garaaceen 2-0 kulan ka tirsanaa wareegga labaad ee heerka guruubyada Koobka Adduunka 2026, kaas oo lagu ciyaaray garoonka AT&T Stadium fiidnimadii Isniinta.

Kulanka ayaa xiiso badan lahaa daqiiqadihii hore, iyadoo kabtanka Argentina, Lionel Messi, uu khasaariyey rigoore daqiiqaddii 9-aad. Si kastaba ha ahaatee, Argentina ayaa sii waday cadaadiska weerarka si ay u hesho goolka furitaanka.

Daqiiqaddii 38-aad, Argentina ayaa hoggaanka qabatay markii Lionel Messi uu shabaqa gaaray. Kubbad uu dhinaca bidix ka soo qaaday Facundo Medina ayaa gaartay Messi, kaas oo si xirfad leh kubbadda ugu dhaliyey shabaqa.

Daqiiqadihii dheeriga ahaa ee ciyaarta, Messi ayaa mar kale muuqday isagoo dhaliyey goolkii labaad. Weerar rogaal-celin ah ayaa ku dhammaaday karoos uu soo qaaday Rodrigo De Paul, Messi ayaana kubbadda laaday, balse daafaca ayaa celiyey. Wuxuu haddana kubbadda dib ugu laabtay oo shabaqa ku hubsaday.

Guushan ayaa ka dhigan in Argentina ay sii waddo bandhiggeeda xooggan ee tartanka, iyadoo dhibcaheeda gaarsiisay 6 dhibcood isla markaana si rasmi ah ugu soo baxday wareegga 32-ka ee Koobka Adduunka 2026. Dhanka kale, Austria ayaa la kulantay guuldarro adag, iyadoo ku hartay 3 dhibcood oo keliya, kuna jirta kaalinta labaad si ku meel gaar ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga