Germany Vs Italy, Nethalands Vs Spain Iyo Kulamada Xiisaha Leh Ee La Daawan Doono Maanta.

Waxa bilaabamaya fasaxa caalamiga ah 2-da todobaad ee soo socotana iyada oo ay xulal badan fooda is dari doonaan.

Maanta oo khamiis ah ayaa la sugayaa kulamo xiiso leh tartanka Nations League oo ay isaga hor iman doonaan xulal waaweyn.

Xulalka Netherlands Iyo Spain ayaa fooda is dari doona kulan labada xul muhiim u ah tartanka Nations League.

Dhinaca kale xulalka Italy Iyo Germany ayaa wada ciyaari doona halka xulka France la ciyaari doono xulka Croatia sidoo kale xulka Portugal ayaa marti u noqon doona xulka Denmark.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga