
Daafaca kooxda Arsenal ee William Saliba ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda Arsenal iyada oo lala xidhiidhinayo kooxda Real Madrid.
Saliba ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican Arsenal sanadihii ugu dambeeyay isaga oo ka mid noqday daafacyada ugu fiican.
Qaab ciyaareedka Saliba ayaa sii jiitay kooxda Real Madrid kuwaas oo doonaya xiddiga in ay ku xoojiyaan daafaceeda mustaqbalka.
Laakiin Saliba ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay Arsenal isla markaas uu doonayo in uu sii joogo kooxda.
“Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay halkan Arsenal. 2 sano iyo bar ayaa qandaraaskeyga ku jira waxaana rabaa inaan halkaan ku sii wato”.
“Waxaan doonayaa inaan waxyaabo waa weyn kula guuleysto Arsenal. Haddii aad ka tagto kooxdan oo aadan waxba ku guulaysan markaas taageerayaashu way ku ilaawi doonaan adiga. Waxaan rabaa inaan ku guuleysto halkan”.
Be the first to comment