
Daafaca dhexe ee Real Madrid Antonio Rudiger ayaa la filayaa inuu xanuun ku seego kulanka isbuucaan ee horyaalka, taasoo shaki gelisay ku lug lahaanshihiisa kulanka Champions League ee ay Arbacada la ciyaarayaan Atletico Madrid.
Rudiger ayaa ka mid ah daafacyada Madrid ee ka fogaaday dhaawac halis ah xilli ciyaareedkan.
Daafaca dhexe ee Jarmalka ayaa bishii hore ku maqnaa afar ciyaarood isagoo dhibaato muruqa ah qaba laakiin waxa uu ku Soo laabtay garoomada.
Si kastaba ha ahaatee, daafaca ayaa haatan shaki weyn ku jiraa kulanka horyaalka ee Madrid ay la ciyaari doonto Rayo Vallecano galabnimada Axada, sida laga soo xigtay AS.
Rudiger ayaa seegay tababarkii sabtidii isagoo leh astaamo u eg hargab, waxaana sidoo kale uu dareemayaa raaxo darro mid ka mid ah jilibkiisa, taasoo mugdi galisay ku lug lahaanshaha lugtii labaad ee wareega 16ka Madrid ee Atletico.
Be the first to comment