Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa qirtay inay aheyd wax lala yaabo markii uu ogaaday Ilkay Gundogan inuu doonayo inuu dib ugu soo laabto kooxda, laakiin wuxuu ku faraxsan yahay inuu ku soo dhaweeyo ciyaaryahanka khadka dhexe inuu ku soo laabto Etihad Stadium.
Gundogan ayaa ahaa saxiixii ugu horeeyay ee Guardiola isaga oo tababare u ah Man City xagaagii 2016 waxana uu todobo xilli ciyaareed oo guulo ah ku qaatay Etihad ka hor inta uuna u wareegin Barcelona bishii June 2023.
Isagoo la wadaagaya fikradihiisa ugu horreeya ee ku aaddan soo laabashada Gundogan shir jaraa’id oo uu qabtay Jimcihii, Guardiola ayaa yiri: “Waxay ahayd wax la yaab leh oo lama filaan ah, way dhacday, si fiican ayaan u naqaan isaga, aniga shaqsi ahaan, laakiin ciyaartoyda iyo shaqaalaha iyo qof walba”.
“Waan ognahay tayada uu kula soo ciyaaray xilli ciyaareedkii hore Barcelona, waxa uu u ciyaaray si heer sare ah, joogto ah daqiiqado badan, wax badanna soo saaray”.
“Wax shaki ah kama aanan qabin markii ay suurta gal tahay, sidaa darteed aad ayaan ugu faraxsanahay inuu soo laabtay”.
Be the first to comment