Taageerayaasha Everton ayaa aad ugu farxay markii ay kooxdoodu ka hor istaagtay deriskooda Liverpool inay guuleystaan, isla markaana ay daqiiqadihii ugu dambeeyay ku heleen barbaro 2-2 ah, kulankii ugu dambeeyay ee Merseyside Derby ee lagu ciyaaray garoonka Goodison Park. Laakiin taageerayaasha Liverpool sidoo kale guul weyn ayay u ahayd markii Reds ay xilli ciyaareedkii hore ka adkaadeen Blues, kulankoodii ugu horreeyay ee lagu ciyaaro garoonka cusub Ee Everton Ee Hill Dickinson Stadium.
Labada kooxood ayaa mar kale isku wajihi doona iyagoo ku jira xaalado kala duwan marka la Eego qaab ciyaareedkooda horyaalka. Liverpool ayaa Axaddii la soo dhaaftay garoonkeeda Anfield Natiijo 4-0 oo ay ku xasuuqday kooxfa Manchester United, halka Everton ay maalin kadib isla natiijadaas 4-0 ugu guuldarreysatay kooxda Brentford.
Maadaama Brighton iyo Manchester City ay ciyaarayaan galabnimada dambe Ee Axadda, Liverpool waxay fursad u haysataa inay kaalinta afraad ka soo kacdo oo ay gasho kaalinta labaad haddii ay saddexda dhibcood wada qaadato. Fiiro gaar ah u yeelo waqtiga hore Ee ciyaarta.
Waqtiga ay bilaabanayso ciyaarta Everton vs Liverpool:
Kulanka Everton iyo Liverpool wuxuu bilaaban doonaa 12:00 duhurnimo waqtiga GMT, Axadda 29-ka November, ama waqtiga geeska Africa 3:00 Galabnimo waxaana lagu ciyaari doonaa garoonka Hill Dickinson Stadium.
Wargeyska TalkSPORT ayaa bixisay faallo buuxda oo ku saabsan ciyaarta Derby-ga:
Wararka kooxda Everton:
Kaarka cas ee tooska ah ee James Tarkowski uu ka qaatay kulankii Brentford habeenkii Isniinta ayaa ka dhigan inuu maqnaanshihiisu khasaare weyn ku noqon doono David Moyes. Tani waa ciyaartii ugu horreysay ee saddexda kulan ee ganaaxa ah ee daafaca adag uu seegi doono.
Michael Keane ayaa ah ciyaaryahanka ugu cadcad ee lagu beddeli karo Tarkowski bartamaha daafaca Everton.
Jack Grealish ayaa mar kale diyaar u ah inuu ciyaaro. Wuxuu soo galay qeybtii labaad ee ciyaartii Brentford kadib markii uu muddo bil ah maqnaa sababo la xiriiray jebinta xeerarka anshaxa kooxda, waxaana la filayaa inuu u tartamo boos uu ku soo bilaabo ciyaarta.
Wararka kooxda Liverpool
Waxa kaliya ee niyad-jabka ku ahaa guushii Liverpool ay 3-0 kaga gaartay Club Brugge habeenkii Arbacada waxay ahayd markii la arkay Victor Munoz oo garoonka ka baxaya isagoo dhutinaaya, kadib daaweyn dheer oo laga siiyay jilibkiisa. Garabka weerarka ayaa shaki weyn laga qabaa inuu ciyaari karo.
Cody Gakpo ayaa isna maqnaan doona dhaawac muruqa kubka ah oo uu soo gaaray xilli uu ku jiray waajibaadka xulka qaranka, halka saaxiibkiisa reer Netherlands ee Ryan Gravenberch isna shaki laga qabo inuu ciyaaro.
Hugo Ekitike (dhaawac seedda Achilles ah) ayaa maqnaan doona ilaa bisha January, halka daafacyada Conor Bradley iyo Giovanni Leoni ay dib ugu soo laabteen qaar ka mid ah tababarka kadib dhaawacyo muddo dheer hayay. Tababaraha Andoni Iraola ayaa sheegay in labadooduba ay weli u baahan yihiin tababar dheeraad ah.
Saadaasha Derbyga Everton vs Liverpool:
Liverpool ayaa lagu qiimeeyay 4/5 inay gaarto guusheedii shanaad ee lixdii kulan ee ay bannaanka ku ciyaartay Premier League xilli ciyaareedkan.
Everton ayaa guuleysatay saddex ka mid ah shantii kulan ee ay garoonkeeda ku ciyaartay ilaa hadda, waxaana guushooda lagu qiimeeyay 7/2. Barbaraha waxaa lagu qiimeeyay 11/4.
Liverpool ayaa loo arkaa kooxda labaad ee ugu cadcad ku guuleysiga horyaalka, halka Arsenal ay si weyn uga horreyso oo lagu. Everton ayaa iyadana lagu qiimeeyay inay ku dhammeysato shanta kooxood ee ugu sarreeya horyaalka.
Saadaasha kulanka Everton vs Liverpool
Taariikhda kulamada ay labada kooxood wada ciyaareen ma aha mid farxad gelinaysa Everton. Waxay Liverpool ka adkaadeen kaliya laba jeer 31-kii kulan ee ugu dambeeyay ee Premier League ay wada ciyaareen, inkastoo ay muddadaas heleen 14 barbaro.
Boqolleyda barbaraha ayaa sii kordheysa marka Everton ay garoonkeeda ku ciyaareyso, maadaama 10 ka mid ah 14-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay labada kooxood ku wada ciyaareen garoonka Everton ay ku dhammaadeen barbaro.
Marka la eego xogtan iyo sidoo kale kala sarreynta kooxaha ee hadda (Everton waxay toddobaadka ku bilowday kaalinta sagaalaad), natiijada ugu macquulsan waxay u muuqataa inay u dhexeyso barbaro iyo guul ay Liverpool gaarto.
Laakiin maadaama daafaca muhiimka ah ee Tarkowski uu maqnaan doono, kaasoo sidoo kale dhaliyay goolkii barbaraha kulankan labo xilli ciyaareed ka hor, Liverpool ayaa fursad fiican u haysata inay guuleysato.
Liverpool ayaa 12 dhibcood ka heshay 12-kii dhibcood ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay bannaanka, iyadoo guuleysatay afartii kulan ee ugu dambeysay. Sidoo kale, weerarkooda ayaa si wanaagsan u shaqeynaya, kadib markii ay saddexdii kulan ee ugu dambeysay dhammaan tartamada ku guuleysteen iyagoo dhaliyay 10 gool, lagana dhaliyay hal gool oo keliya.
Alexander Isak ayaa gool dhaliyay lixdii kulan ee ugu dambeysay ee Liverpool ay bannaanka ku ciyaartay, halka siddeed ka mid ah 11-kii gool ee uu dhaliyay xilli ciyaareedkan ay ku yimaadeen kulamada bannaanka. Isak ayaa loo saadaalinayaa inuu gool dhalin doono, iyadoo Liverpool ay guuleysan doonto, sharadkaas oo lagu qiimeeyay 2/1.
Waxaa intaas dheer gool uu dhaliyo Florian Wirtz, kaasoo lix gool dhaliyay shantii kulan ee ugu dambeysay ee uu u ciyaaray kooxdiisa iyo xulkiisa. Isku darkaas sharadka ah ayaa markaas gaaraya qiime dhan 12/1. Isla sharadkan oo ahaa guul Liverpool ah iyo goolal ay dhaliyaan Isak iyo Wirtz ayaa sax noqday kulankii ay 3-0 kaga badiyeen Club Brugge bartamihii toddobaadkan.
Waxaa sidoo kale jira arrin la yaab leh oo kulankas ku saabsan:
Kulamada Everton iyo Liverpool ayaa ah kuwa ugu badan ee kaararka cas la bixiyay taariikhda Premier League, iyadoo 25 kaar oo cas laga bixiyay kulamadan.
Tarkowski wuu maqnaan doonaa, balse waxaa jiri doona ciyaartoy badan oo Everton ah oo og inay tahay inay si adag u dagaallamaan si ay u joojiyaan weerarka Liverpool ee sida wanaagsan u shaqeynaya.

