Man United oo diyaar u ah inay suuqa January dhigto labo ciyaaryahan, waa kuma xiddigahaas?. ‎

0

Sida ay warar goordhow soo dhaceen ay sheegayaan, kooxda Manchester United ayaa la tilmaamayaa inay suuqa January iska fasaxdo labo ciyaaryahan oo aan soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay, si ay lacag ugu hesho saxiixyo cusub oo dhowr ah inta lagu jiro suuqa kala iibsiga Ee muhiimka ah Ee Bisha January.

‎Ma aha buunbuunin in la sheego in haddii Manchester United ay si khaldan u maareyso suuqa kala iibsiga jiilaalka Ee soo socda, ay taasi keeni karto inay heerka labaad u dhacdo.

Advertisment

‎Red Devils ayaa leh difaaca ugu liita Yurub, maadaama ay laga dhaliyay 34 gool dhamaan tartamada oo idil ay ciyaareen, taasoo ah goolal ka badan koox kasta oo ka ciyaarta shanta horyaal Ee ugu waaweyn Yurub.

‎Goolhayaha Man United Senne Lemmnesbayaa u muuqda mid aan kalsooni lahayn, khadka dhexe kooxda ma awoodaan inay ordaan, da’da ayaa saameyn ku yeelatay Bruno Fernandes, halka weeraryahannaduna goolal dhalinta ku adkaatay.

‎Manchester United waxay durba isticmaashay xeeladdii ahayd inay tababare cusub keento, iyadoo isku dayaysa inay ka hortagto inay heerka labaad u dhacdo. Balse haddii aysan suuqa January wax ka beddel ku sameyn ciyaartoyda kooxda, Mauricio Pochettino waxaa ku adkaan doonta inuu wax badan ka qabto ciyaartoydan hadda jooga Ee mushaharka badan qaata balse aan soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay.

‎Warbixin dhawaan ka soo baxday Wargeyska TEAMtalk ayaa shaacisay in United ay diyaar u tahay inay ku bixiso ku dhawaad £50 milyan suuqa kala iibsiga jiilaalka.

‎Balse maadaama ay kooxdu dooneyso inay la soo saxiixato daafac bidix, daafac dhexe iyo weeraryahan, United waxaa ku adkaan doonta inay ciyaartoy tayo leh ka hesho dhammaan boosaskaas iyadoo haysata miisaaniyad intaas le’eg oo kooban.

‎Sidaas darteed, iibinta ciyaartoyda boosaska ay Manchester United doonayso inay xoojiso waxay kooxda ka caawin kartaa inay kordhiso miisaaniyadda, iyadoo aan sidoo kale la wiiqaynin awoodda kooxda.

‎Sida ay sheegayaan ilo wareedyadayada TEAMtalk iyo warbixintii ugu dambeysay Ee Fabrizio Romano, Joshua Zirkzee ayaa laga yaabaa inuu kooxda ka tago haddii uu yimaado weeraryahan cusub.

‎Joshua Zirkzee oo Suuqa January ka tagi kara kooxda Man United:

Wariyaha weyn Ee xog-ogaalka ah Wargeyska TEAMtalk Graeme Bailey, ayaa sharaxay Arrintan ku aadan in Joshua Zirkzee uu kooxda Man United suuqa January ka tagi karo isagoo yiri:

‎“Marka laga hadlayo weeraryahan, Red Devils weli qiimeyn wanaagsan ayay ku hayaan Benjamin Sesko, taas aan si sax ah u fahanno, balse waxay si fudud ugu baahan yihiin wax intaas ka badan.”

‎‎“Intaas kaddib ma haystaan wax kale, mana diidi doonaan suurtagalnimada inuu Joshua Zirkzee baxo, gaar ahaan haddii ay la soo saxiixdaan Folarin Balogun ama Ivan Toney oo isbuucyadii ugu danbeeye isha ay ku hayeen.”

‎Habeenkii dambe Ee Isniinta gudaha isbuucan, Romano ayaa bartiisa YouTube ku yiri:

‎“Maalmihii ugu dambeeyay waxaan idiinka sheegay arrinta Joshua Zirkzee, tusaale ahaan. Arrintu kuma koobna oo keliya saxiixyada cusub, dabcan waxay u baahan yihiin ciyaartoy cusub, balse sidoo kale waxaa jira ciyaartoy bixi kara.

‎“Zirkzee wuxuu doonayaa inuu fahmo waxa uu sameynayo. Waxaa jira kooxo Talyaani ah oo xiiseynaya Joshua Zirkzee. Napoli, Como, Juventus iyo kooxo kale ayaa si dhow ula socda xaaladdiisa.

‎“Sidaas darteed, Manchester United toddobaadyada soo socda waa inay go’aan ka gaartaa arrinta Zirkzee iyo ciyaartoyda kale Ee bixi kara, iyadoo ay go’aanka kala tashaneyso Pochettino, dabadeedna ay ka shaqeyso ciyaartoyda ay la soo saxiixaneyso.”

‎‎Wargeyska The Times ayaa sidoo kale sheegay in soo xero gelinta weeraryahan cusub, ay tahay mudnaanta koowaad Ee ugu weyn Ee United suuqa January, halkii ay daafac la soo saxiixan lahaayeen..

‎‎Arrintan ayaa timid kaddib warbixin shaacisay in United ay haatan u aragto saxiixii £36.5 milyan ku kacay inuu yahay weeraryahan labaad ama No.10, halkii uu ka ahaan lahaa weeraryahan safka hore ka ciyaara oo keliya.

‎Ciyaaryahanka kale Ee laga yaabo in suuqa January la iibiyo waa Lisandro Martinez:

‎Waqtigii Lisandro Martinez Ee Man United oo dhammaanaya… Iyadoo Xiddiga reer Argentina uu toddobaad kasta sabab u noqda in goolal laga dhaliyo Manchester United, Gaar ahaan kulankii Axaddii Ee Liverpool ay 4-0 ku xasuuqday United, Martinez wuxuu u muuqday ciyaaryahan jeclaan lahaa inuu meel kasta joogo marka laga reebo garoonka.

‎Ciyaaryahanka ay United ku soo iibsatay £56 milyan ayaa marar badan u oggolaaday Bradley Barcola inuu si fudud uga ordo, isaga oo aan xitaa sameyn isku day muuqda oo uu kubadda kaga qaadayo ama ku joojinayo xiddiga reer France.

‎Qandaraaska Martinez wuxuu dhacayaa dhammaadka xilli ciyaareedkan, warbixino hore ayaa sheegaya in isaga iyo Manchester United midkoodna uusan dooneyn in la dhaqan geliyo ikhtiyaarka hal sano Ee dheeraadka ah Ee ku jira qandaraaskiisa.

‎‎Imaanshaha tababaraha ay isku dalka yihiin Ee Pochettino ayaa aragti ahaan wax ka beddeli kara xaaladda Martinez. Si kastaba ha ahaatee, qaab ciyaareedkiisii ugu horreeyay Ee uu ku soo bandhigay kulankii uu Pochettino hoggaaminayay Axaddii ayaa si weyn u muujinaya in Martinez uu durba ka quustay Red Devils.

‎Warbixintii ugu dambeysay Ee ka timid Flashscore iyo wariyaheeda Dean Jones ayaa ku adkeysanaysa in iibinta Martinez suuqa January ay tahay arrin macquul ah, iyadoo Atletico Madrid ay u badan tahay inay noqoto kooxda uu ku biiri kato.

‎Jones ayaa yiri:

‎‎“Lisandro Martinez waxaa horyaalla dagaal kale si uu mustaqbal uga yeesho Manchester United, balse suurtagalnimada inuu u wareego Atletico Madrid ayaa weli si joogto ah loo hadal hayaa.”

‎‎“Daafaca reer Argentina ayaa fursad loo siiyay inuu safka hore kaga soo bilowdo kulankii Liverpool Ee Axaddii Guuldarada kala kulmeen, iyadoo uu hoggaaminayay tababaraha cusub Mauricio Pochettino, balse qaab ciyaareedkiisa wax badan kama beddelin walaacyada sii kordhayay Ee ku saabsan mustaqbalkiisa fog Ee kooxda.

‎‎“Qandaraaska Martinez wuxuu dhacayaa 2027, Manchester United-na ma aysan muujin wax qorshe ah oo ay ugu kordhinayso qandaraaskiisa, taasoo mustaqbalkiisa sii gelisay xaalad aan la hubin, iyadoo kooxdu qiimeyneyso xulashooyinkeeda dhanka difaaca.

‎“Waxaa suurtagal ah in isbeddelka kooxdu uu soo jiito 28-jirkan, kaasoo hore u muujiyay inuu doonayo inuu khibrad ka helo kubadda cagta Spain.

‎‎“Atletico Madrid waxay u noqon kartaa meel uu si wanaagsan ugu biiro, waxaana xitaa suurtagal ah inay suuqa January dalab ka gudbiso.”

‎“Diego Simeone ayaa la xaqiijiyay inuu aad u jecel yahay ciyaaryahanka ay isku dalka yihiin, wuxuuna soo dhaweyn lahaa fursadda uu ugu keeni karo caasimadda Spain.” sidaas ayuu Dean Jones ka yiri arrinta ku aadan in Lisandro Martínez Mustaqbalka ku biiri karo kooxda Athletico Madrid.

‎Gunaanadka warka: Man United suuqa January waxaa la sheegay inay labadaas xiddig Ee Joshua Zirkzee iyo Lisandro Martinez dhigi karto suuqa kala iibsiga, si ay lacago ugu helaan xiddigaha ay doonayaan inay kooxda kusoo biiriyaan.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here