Wax kasta oo ka duwan in Sheikh Mansour laga qaado lahaanshaha Manchester City, kaddib markii kooxda si sharci-darro ah loogu maalgeliyay lacag dhan 900 milyan oo ginni muddo sagaal sano ah, waxay sumcad-darro degdeg ah ku noqon lahaayeen Hay’adda Madaxa-bannaan ee Maamusha Kubadda Cagta (IFR). Guddoomiyaha hay’addaas, David Kogan, ayaa si adag u sheegay inay leeyihiin “geesinimada iyo awoodda” ay ku qaadaan tallaabada saxda ah.
Guddi baaritaan oo madax-bannaan ayaa bishii Sebtembar ku helay Manchester City inay jebisay 114 xeer oo ka tirsan Premier League, kaddib markii ay isticmaaleen heshiisyo kafaala-qaadasho oo been-abuur ah si ay dakhligooda ugu kordhiyaan ku dhowaad 900 milyan oo ginni intii u dhexeysay 2009-kii ilaa 2018-dii
Kooxda ayaa hadda racfaan ka qaadatay go’aankaas, iyadoo ku adkeysanaysa inaysan wax dambi ah gelin, isla markaana sheegtay inay hayso “caddeymo aan la dafiri karin” oo arrintaas caddaynaya. Caddeymaha ay sheegtay waxaa ka mid ah dukumiintiyo muujinaya in lacagaha kafaala-qaadashadu ay ka yimaadeen dowladda Abu Dhabi, halkii ay ka iman lahaayeen milkiilayaashooda.
Ciqaabaha suurtagalka ah haddii racfaanka laga guuldarreysto waxaa ka mid ah ganaaxyo lacageed, mamnuucid suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, dhibco laga jaro, in Premier League laga saaro iyo in laga qaado koobabkii ay ku guuleysteen. Sidoo kale, milkiilayaasha kooxda waxaa xilka ka qaadi karta Hay’adda Madaxa-bannaan Ee Maamusha Kubadda Cagta (IFR), taasoo samayn doonta qiimeyn u gaar ah kaddib marka guddiga baaritaanku go’aan gaaro.
Guddoomiyaha IFR, David Kogan, ayaa ku adkeystay inaysan jirin wax cabsi ah oo ka hor istaagi kara inay tallaabo ka qaadaan Manchester City, inkastoo ay weyn tahay kooxda iyo xiriirka siyaasadeed Ee Sheikh Mansour.
“Waxaan si buuxda u leenahay geesinimada iyo awoodda aan kula tacaali karno Manchester City,” ayuu Kogan u sheegay xildhibaannada ka tirsan guddiga baarlamaanka Ee dhijitaalka, dhaqanka, warbaahinta iyo ciyaaraha.
“Marka aan doorasho haysto, ma dooran lahaa in urur shaqaalihiisu cusub yihiin, da’ ahaanna yar yihiin, isla markaana shaqeynayay wax ka yar hal sano, uu arrintan oo kale la kulmo xilli hore? Hagaag, malaha maya.”
“Laakiin xaqiiqadu waxay tahay, haddii aynaan tallaabo qaadin, iyadoo la tixgelinayo in xaaladahaas ay dhacaan, haddii aynaan waxba qaban, maxay tahay ujeeddada loo sameeyay hay’ad maamusha kubadda cagta?”
“Waa inaan si cad u muujinno inaan gudaneyno shaqadii aad idinku, sharci-dejiyeyaasha ahaan, naga codsateen inaan qabanno, waana hubaal inaan sidaas sameyn doonno, wax kasta oo ay taasi ka dhigan tahay.”
“Iska ilow magaca kooxda. Iska ilow baaxadda kooxda. Iska ilow heerka ay arrintu gaarsiisan tahay. Ma iska indho tiri karno waajibaadkeenna sharci ee ku saabsan koox sababtoo ah waxay dhacday inay tahay koox weyn.”
“Waa inaan si buuxda u qaadnaa tallaabada ku habboon ee uu sharcigu dhigayo, iyadoo ku xiran xaaladaha naloo soo bandhigo. Xaaladahaas waxaa ka mid ah caddeymaha ay soo bandhigtay oo ay ururisay guddiga baaritaanka madaxa-bannaan ee Premier League, iyo go’aan kasta oo laga gaaro caddeymahaas marka racfaan laga qaato.”
“Marka aan qiimeyno caddeymaha la xiriira shaqsiyaadka, ma buuxinayaan shuruudaha sharciga si ay u noqdaan arrin walaac leh? Haddii ay sidaas tahayna, waa inaan qaadnaa tallaabada ku habboon.”
“Taas oo keliya ayaa ah waxa aan ku qiimeyn doonno, mana aha siyaasadda ku xeeran arrinta, mana aha meesha ay wax ka yimaadeen, mana aha baaxadda kooxda. Taasi waa halbeegga keliya ee aan ku shaqeyn karno, sababtoo ah haddii aan taas la helin, ma jiri karto hay’ad maamul oo wax ku ool ah.”
Bishii Sebtembar 2025tii, IFR ayaa soo bandhigtay qorshayaal lagu adkeynayo shuruudaha laga rabo milkiilayaasha iyo agaasimayaasha kooxaha kubadda cagta, iyadoo billowday imtixaanka ay soo jeedisay ee Milkiilayaasha, Agaasimayaasha iyo Madaxda Sare (ODSE).
IFR ayaa ballanqaadday inay “qiimeyn doonto daacadnimada, hufnaanta iyo awoodda dhaqaale ee dadka doonaya inay yeeshaan ama maamulaan koox kubadda cagta ah, iyadoo hubinaysa inay leeyihiin xirfadaha iyo waayo-aragnimada lagama maarmaanka u ah inay sidaas sameeyaan”. Sidoo kale, “shuruudaha loo adeegsado ka hortagga lacagaha sharci-darrada ah iyo maalgelinta dambiyada ee soo galaya kubadda cagta ayaa la ballaariyay”.
Hay’addu waxay leedahay “awood ay kula xisaabtami karto kooxaha iyo shaqsiyaadka marka loo baahdo, iyadoo adeegsan karta ganaaxyo lacageed, cambaareyn dadweyne, ilaa heer ay ku khasbi karto milkiile inuu iska iibiyo saamigiisa kooxda”.
Ma jirto ayaa la Leeyahay waddo uu Sheikh Mansour kaga badbaadi karo in laga qaado lahaanshaha Manchester City haddii go’aanka lagu helay kooxda inay dambiile tahay la xaqiijiyo.

