Pep Guardiola oo sheegay in shaqadiisa xigta Ee tababarenimo ay noqon doonto Tababare Xuleed.

0

Pep Guardiola ayaa sheegay in shaqadiisa xigta Ee tababarenimo ay noqon doonto mid uu ku hoggaamiyo xul qaran, iyadoo lala xiriirinayo xulka qaranka Mareykanka.

Pep ayaa sheegay inuusan ogeyn goorta uu dib ugu soo laaban doono kubadda cagta, balse shaqadiisa xigta ee tababarenimo ay noqon doonto inuu hoggaamiyo xul qaran.

Advertisment

Wareysi uu Talaadadii la yeeshay Romario, oo ay horay ugu soo wada ciyaareen Barcelona, ayaa Guardiola la weydiiyay haddii uu jiro koox uusan weligiis tababare u noqon balse uu jeclaan lahaa inuu maamulo. Wuxuu ku jawaabay: “Xul qaran”, isagoo tilmaamay inay tahay “tallaabadiisa xigta”.

Guardiola ayaa lala xiriirinayay inuu bartilmaameed u yahay xulka qaranka Mareykanka, kaasoo u baahan inuu beddelo Mauricio Pochettino kaddib markii uu u wareegay Manchester United.

Tababaraha 55-jirka ah ayaa kooxda Manchester City ka tagay dhammaadkii xilli ciyaareedkii 2025-26, kaddib 10 sano oo uu kooxda joogay, wuxuuna sheegay inuu qorsheynayo inuu muddo ka nasto kubadda cagta. Wuxuu muddo 18 sano ah ka soo shaqeynayay tababarenimada kooxaha, balse weligiis ma uusan tababbarin xul qaran.

Waxaa xagaagan loo soo bandhigay xilka tababarenimo Ee xulka qaranka Talyaaniga, balse wuu diiday, isagoo sheegay in waqtigaasi uusan ku habboonayn.

Wuxuu xaqiijiyay inuu xagaagan wadahadallo la yeeshay xiriirka kubadda cagta Talyaaniga. Madaxweynaha xiriirka, Giovanni Malago, ayaa bishii Luulyo sheegay in la diyaariyay “ka-reebitaanno” dhanka dhaqaalaha ah si Guardiola loogu oggolaado inuu noqdo tababaraha xiga Ee Xulka Talyaaniga, balse Guardiola ayaa diiday dalabkaas, waxaana xilka loo magacaabay Roberto Mancini.

“Waan la hadlay, waxayna ii ahayd sharaf,” ayuu yiri Guardiola. “Waxay ka mid ahayd sharafihii ugu waaweynaa ee aan abid helo, inay iga fikireen inaan tababare u noqdo Talyaaniga. Laakiin waxay timid xilli aan u baahnaa inaan hakad galo ama aan nasto. Haddii ay dhaci laheyd sanad ama labo sano ka hor, waxay u badanaan laheyd inaan aqbali lahaa Xilkas. Laakiin markii [agaasimaha farsamada Paolo] Maldini iyo [la-taliyaha] Leonardo, oo aan aad u jeclahay, ay ila soo xiriireen, waxay ahayd xilli aan si fudud ugu baahnaa inaan joogsado ama aan nasto, Waxaan u baahnaa waqti aan naftayda siiyo.”

Guardiola ayaa bishan si weyn loogu hadal hayay booska bannaan Ee tababarenimada xulka Mareykanka, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in isaga iyo xiriirka kubadda cagta Mareykanka ay qorsheynayaan wadahadallo hordhac ah.

Horaantii sanadkan, Guardiola ayaa ciyaar ka tirsan horyaalka Major League Soccer (MLS) Ee ka dhacday Magaalada New York kula kulmay Pochettino iyo qaar ka mid ah shaqaalaha xiriirka kubadda cagta Mareykanka.

Ka hor inta uusan xilka ka tagin, Pochettino ayaa la weydiiyay waxa uu Guardiola kula talin lahaa haddii uu wax ka weydiiyo shaqada tababarenimada xulka Mareykanka.

“Aqbal. Sabab? Sababtoo ah waa waqti ku habboon in la yimaado xiriirka kubadda cagta,” ayuu yiri Pochettino.

“Wax walba waxay ku socdaan waddadii saxda ahayd iyo jihadii wanaagsanayd. Dabcan, aqbal. Waxaad heli doontaa ciyaartoy aad u wanaagsan iyo dad wanaagsan – ciyaartoyduna waxay la jaanqaadi karaan qaab ciyaareedkiisa.”

Tababarihii hore Ee Barcelona iyo Bayern Munich ayaan si cad uga hadlin waqtiga uu dib ugu soo laaban karo shaqada tababarenimo.

Isagoo sii wata wareysigii uu la yeeshay Halyeeyga Reer Brazil Ee Romario, Pep Guardiola ayaa yiri:

“Ma garanayo muddada aan maqnaan doono, Hadda waxaan dareemayaa inaan aad u wanaagsanahay. Laakiin haddii aan maalin uun dib ugu soo laabto kubadda cagta, waxay noqon doontaa marka qalbigayga iyo dareenkaygu ii sheegaan inay tahay waqtigii ku habboonaa.” sidaas ayuu wareysiga ku yiri Markii wax laga waydiiye goorta macquul galka ah uu kubada cagta kusoo laaban doono.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here