Xiddiga Liverpool Florian Wirtz, ayaa ka hadlay qaar ka mid ah tababarayaashii uu la soo shaqeeyay sanadkii la soo dhaafay, isagoo si dadban u dhaliilay Tababarihii Hore Ee isaga soo tababaray Ee Arne Slot.
Wirtz ayaa Liverpool kaga soo biiray kooxda Bayer Leverkusen, isaga oo ku yimid heshiis ku kacay ku dhawaad £116 milyan intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaagii 2025.
Xiddiga heerka caalami Ee dalka Jarmalka ayaa la kulmay dhaleeceyn badan tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkii hore, maadaama uu ku dhibtooday la qabsiga awoodda jireed Ee kubadda cagta Premier League tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda Liverpool.
Si kastaba ha ahaatee, qaab ciyaareedka Wirtz Ee Liverpool ayaa si weyn u soo hagaagay toddobaadyadii ugu dambeeyay, waxaana uu xilli ciyaareedkan sameeyay siddeed gool iyo caawin, isagoo 16 kulan ka soo muuqday dhammaan tartamada oo idil.
Hadda, Wirtz ayaa ammaanay tababaraha Liverpool Ee Andoni Iraola, isagoo ku tilmaamay inuu sabab u yahay horumarka qaab ciyaareedkiisa, kaddib markii tababarihii ka horreeyay Ee Arbe Slot uu xilli ciyaareedkii hore ku guuldarreystay inuu kasoo saaro awooddiisa ugu fiican.
“Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ka hoos ciyaaro Iraola. Waa tababare aad u wanaagsan, wuxuuna taas muujiyay intii uu ku jiray dhammaan waayihiisa tababarenimo,” ayuu Wirtz u sheegay wariyeyaasha.
“Wuxuu igu soo celinayaa meel aan joogay laga yaabee laba sano ka hor [wuxuu ka Hadlayaa waqtigii uu Bayer Leverkusen joogay], xilligaas oo aan ciyaarayay kubad aad u wanaagsan. Waxaan dareemi karaa inuu i siinayo kalsooni, taasna aad ayaan ugu faraxsanahay.”
Florian Wuxuu intaas ku daray:
“Waxaan ku jiraa qaab ciyaareedkii iigu fiicnaa tan iyo markii aan u soo wareegay kooxda Liverpool.”
“Sidoo kale, waxaan bilaabay inaan si wanaagsan u fahmo kubadda cagta Ingiriiska iyo horyaalka. Waqtigan xaadirka ah waxaan dareemayaa xaalad aad u wanaagsan. Waxaan ku raaxeysanayaa kubadda aan ka ciyaarayo Liverpool, waxaana ku faraxsanahay sida ay wax u socdaan.”
Wirtz ayaa sidoo kale ka faa’iideysanaya inuu Jarmalka kala shaqeynaayo halyeeyga iyo Macalinkii Hore kooxda Liverpool Ee Macalimuu Jurgen Klopp, waxaana uu faahfaahin ka bixiyay sida tababaraha sida weyn loo ixtiraamo uu u caawinayo shaqsi ahaan.
Wirtz oo mar wareysi bixinaye uu kaga Hadlaye waxa ka dhaxeeya isaga iyo Macalin Jürgen Klopp ayaa waxa uu yiri:
“Wuxuu mar walba ii sheegaa inuu aad u jeclaa waqtigiisii uu halkan joogay, in dadku ay jecel yihiin, wuxuuna isku dayaa inuu talooyin i siiyo si aan halkan guul uga gaaro, maadaama uu isagu hore u muujiyay sida taas loo sameeyo,”
“Runtii waa wax wanaagsan inuu wax badan ka yaqaan kooxdan… Wuxuu i siin karaa talooyin wanaagsan. Mar walba waa waxyaabo yaryar, iyo arrimo badan oo gaar ah.
Wirtz ayaa sii raaciye:
“Laakiin wuxuu si wanaagsan uga hadlaa kooxda, gobolka halkan ku yaalla iyo dadka, waxaana waxtar leh in la maqlo qof muddo dheer khibrad u lahaa arrimahan. Waa mowduuc wanaagsan oo laga wada hadlo.”

