Roy Keane oo saadaaliyay natiijada kulanka Brentford iyo Halka Man United ay ku dhamaysan doonto kala sarreynta Premier League.

0

Halyeeygii Hore kooxda Man United Roy Keane ayaa saadaaliyay booska ay kooxdiisa Hore Ee Manchester United kaga dhamaysan doonto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, kaddib guuldarradii bahdilka ahayd Ee Axaddii ka soo gaartay garoonka Anfield iyo bareejihii xalay ay la galeen kooxda Sporting Lisbon ilaa natiijada kulanka axada ay la ciyaarayaan Kooxda Brentford.

Mauricio Pochettino ayaan ku bilaaban bilowgii ugu fiicnaa shaqadiisa tababarenimo E Manchester United, iyadoo barbaro 2-2 ah oo fowdo badan ay habeenkii Arbacada Xalay la galeen Sporting Lisbon ay timid kaddib guuldarradii 4-0 ahayd Ee ay kala kulmeen kooxda ay xafiiltamaan ee Liverpool, taasoo ahayd kulankiisii ugu horreeyay ee uu kooxda hoggaamiyo.

Advertisment

Manchester United ayaa haatan kaalinta 19-aad kaga jirta kala sareynta Horyaalka Premier League, iyadoo 11-kii kulan Ee ugu horreeyay ka heshay siddeed dhibcood, waxaana u suurtagashay inay hal guul oo keliya gaarto.

Waxaa sidoo kale la soo wariyay in Pochettino uu heli doono wax ka yar 50 milyan oo ginni oo uu ku isticmaalo suuqa kala iibsiga bisha January, si uu u hagaajiyo koox aan isku dheellitirnayn isla markaana aan haysan ciyaartoy ku filan, ugana badbaadiyo inay heerka labaad u dhacdo.

Kaddib guuldarradii Liverpool, Pochettino ayaa qirtay in dagaalka looga badbaadayo heerka labaad uu yahay “xaqiiqada” Manchester United haysata.

“Dagaalka heerka labaad looga badbaadayo? Taasi waa xaqiiqadeenna, miyaanay ahayn? Halkaas ayaan joognaa, Waxaan u baahanahay inaan guulo gaarno.” sidaas ayuu Pochettino Axaddii u sheegay Viaplay.

Gary Neville, oo markii uu falanqeynayay guuldarradii Liverpool dharbaaxo wajiga iska siiyay isla markaana ciyaartoyda Manchester United ugu qayliyay inay “soo jeestaan”, ayaa diiday hadalka tababaraha, isagoo ku adkeystay in kooxdiisii hore ay “kor uga soo kici doonto kala sarreynta horyaalka”.

“Ma aaminsani inay ku jiraan dagaalka looga badbaadayo heerka labaad,” ayuu yiri. “Xaaladdu waxay ugu xumayd muddo 55 sano ah, balse waxaan aaminsanahay inay ka soo bixi doonaan xaaladdan oo ay kor uga soo kici doonaan kala sarreynta horyaalka.”

Roy Keane ayaa sidoo kale ku raacay saaxiibkiisii hore, isagoo saadaaliyay in Manchester United ay xilli ciyaareedka ku dhamaysan doonto qeybta sare Ee kala sarreynta, wuxuuna aaminsan yahay in soo kabashada kooxda Ee uu hoggaaminayo Pochettino ay ku bilaaban doonto guul ay Sabtida garoonka Old Trafford kaga gaaraan Brentford.

“Waxay kor uga soo kici doonaan kala sarreynta horyaalka kulamada soo socda,”

“Manchester United hubaal waxay xilli ciyaareedka ku dhamaysan doontaa qeybta sare ee kala sarreynta. Taasi waa hubaal. Waxaan u maleynayaa inay garaaci doonaan Brentford.” sidaas ayuu Keane ka sheegay barnaamijka The Overlap oo ay maalgeliso Sky Bet.

Halyeeyga kooxda Liverpool Ee Jamie Carragher ayaan la qabin kalsoonida Neville iyo Keane Ee ah in Manchester United ay ka badbaadi doonto heerka labaad.

Wuxuu Sky Sports ka yiri:

“Qofna ma aaminsana inay heerka labaad u dhacayaan, qofna ma sheegi doono inay sidaas ku dambaynayaan. Laakiin marka la eego awoodda kooxaha Premier League xilli ciyaareedkan, kooxaha aan filayno inay ku dhamaysan doonaan bartamaha kala sarreynta ama meelaha hoose, waxaan u maleynayaa inay aad uga xoog badan yihiin sidii ay abid ahaan jireen.

“Waxaan ka hadli karnaa kooxaha ugu sarreeya, waxaanan dhihi karnaa inaysan meelna uga dhoweyn heerkii laga filayay. Ka fikir kooxaha ka ciyaaraya Champions League. Uma maleynayo in kooxaha horyaalkan ka ciyaara ay ka mid yihiin afarta ama shanta kooxood ee ugu sarreeya Champions League. Laakiin marka aad Eegto Europa League ama Conference League, waxaan filaynaa in kooxaheenna ay si fudud ugu guuleystaan!

“Eeg Fulham oo marti u ahayd Manchester City, waxay ku dhammaatay 1-1 ciyaartooda. Leeds ayaa u safartay Chelsea, waxayna kusoo xasuuqeen 4-1. Ma jiraan kooxo liita. Horyaalka kuma jiraan kooxo badan oo heer sare ah, balse ma jiraan kooxo liita. Taasina waa dhibaatada Manchester United haysata.”

“Kulankooda xiga Ee horyaalka waa Brentford oo ay garoonkooda kula ciyaarayaan. Manchester United waa mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn adduunka, halka Brentford ay tahay koox si wanaagsan loo maamulo. Haddii Manchester United ay Brentford garoonkeeda ku garaacdo, waxaan u maleynayaa inaan dhammaanteen eegi lahayn natiijadaas oo aan dhihi lahayn ‘waa natiijo wanaagsan’. Kulankaasi ma noqon doono mid sahlan.”

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here