Man United oo Halis ugu jirta inay Lumiso Ciyaaryahan muhiim ah | Waa kuma xiddigaas?!

0

Kooxda Manchester United ayaa halis ugu jirta inay lumiso ciyaaryahan muhiim ah, iyadoo kooxaha waaweyn Ee Talyaanigu ay isha ku hayaan xaaladdiisa heshiis.

Manchester United ayaa wajahaysa hubanti la’aan sii kordheysa oo ku saabsan mustaqbalka xiddiga Reer Portugeseka Ee Bruno Fernandes, kaddib markii kooxaha Reer italia Ee Juventus iyo AC Milan  labaduba ay ku biireen xiiseynaynta inay la soo saxiixdaan khadka dhexe ee xulka Portugal xagaaga soo socda.

Advertisment

Ciyaaryahanka 32-jirka ah ayaa si ku-meel-gaar ah u hakiyay wadahadallada heshiis cusub, isagoo doorbidaya inuu xoogga saaro sidii uu Manchester United uga caawin lahaa inay ka soo kabato bilowgii niyad-jabka lahaa Ee xilli ciyaareedka Premier League, iyadoo uu hoggaaminayo tababaraha cusub Mauricio Pochettino.

Si kastaba ha ahaatee, horumar la’aanta laga sameeyay heshiiska cusub ayaa dhiirrigelisay qaar ka mid ah kooxaha ugu waaweyn Yurub inay sahamiyaan suurtagalnimada ay kula soo saxiixan karaan ciyaaryahankan Reer Portugal ah.

Juventus oo xiiseyneysa Bruno Fernandes:

Sida ay sheegtay warbaahinta Talyaaniga Ee Tuttosport, Naadiga Juventus ayaa si dhow ula socota xaaladda heshiiska Fernandes, iyadoo qorsheyneysa inay suuragal tahay inay la soo saxiixato isaga xagaaga soo socda isaga oo aan wax lacag ah oo suuqa kala iibsiga ah laga bixin.

AC Milan ayaa sidoo kale xiiseyneysa ciyaaryahanka, iyadoo tababaraheeda Ruben Amorim uu doonayo inuu mar kale la midoobo kabtankii hore ee Manchester United. Labadooduba waxay wadaagaan isla wakaaladda wakiillada ciyaartoyda, taasoo suuragal ah inay Milan siiso fursad dheeraad ah wadahadallada mustaqbalka xiddigan ay kula soo saxiixan karto.

Fernandes ayaa horeyba u yaqaan kubadda cagta Talyaaniga, maadaama uu horay ugu soo ciyaaray kooxaha Novara, Udinese iyo Sampdoria, ka hor inta uusan dib ugu laaban Portugal uusan u ciyaarin Kooxda Sporting Lisbon.

Warbixin dhowaan ay baahisay Wargeyska aan Haatan warbixinta kasoo xiganayo Ee CaughtOffside ayaa shaaca ka qaaday in Fernandes la sheegay inuu diiday labadii dalab Ee ugu dambeeyay Ee heshiis kordhinta ee Manchester United u soo bandhigtay, taasoo keentay in wadahadalladu istaagaan.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Manchester United waxay weli haysataa ikhtiyaarka ay ku kordhin karto heshiiskiisa hadda jira ilaa 2028, taasoo ka dhigan inaysan weli hubanti ahayn inuu xagaaga soo socda si xor ah ku bixi doono.

Manchester United waa inay Fernandes siisaa sabab uu ku sii joogo:

Luminta Fernandes waxay Manchester United ku noqon lahayd dhabar-jab aad u weyn, gaar ahaan xilli ay kooxdu ku jirto marxalad muhiim ah oo dib-u-dhis u baahan..

Inkastoo uu 32 jir yahay, xiddiga reer Portugal ayaa weli ka mid ah ciyaartoyda ugu saameynta badan kooxda, isagoo khadka dhexe ka soo bandhiga hal-abuur, hoggaamin, isagoo season waliba laga helo goolal iyo caawin.

Kooxda Man United si macquul ah ayay u tixgelin kartaa da’diisa marka laga hadlayo heshiis muddo dheer ah, balse in ciyaaryahan tayadiisa leh loo oggolaado inuu kooxda uga tago isaga oo aan wax lacag ah oo suuqa kala iibsiga ah laga helin ma laha macno dhaqaale ama mid dhanka ciyaaraha ah.

Mas’uuliyadda hadda waxay saaran tahay Pochettino iyo madaxda sare ee kooxda, kuwaasoo ay tahay inay muujiyaan in Manchester United ay ku socoto jihadii saxda ahayd.

Fernandes ayaa horey u diiday fursado uu kaga tagi lahaa Old Trafford, balse daacadnimadiisa waa inaan loo qaadan wax la hubo oo aan isbeddeli karin.

Kooxaha Juventus iyo Milan ayaa noqon kara doorashooyin soo jiidasho leh haddii dhibaatooyinka Manchester United ay sii socdaan.. Iyadoo adeegsiga qodobka heshiiskiisa Ee u oggolaanaya in heshiiska la kordhiyo wuxuu kooxda siin karaa xasillooni ku-meel-gaar ah, balse mudnaanta ugu weyn waa inay noqotaa sidii Fernandes loogu qancin lahaa inuu weli Manchester kula tartami karo koobabka waaweyn.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here