Tababaraha cusub ee xulka qaranka Faransiiska, Zinedine Zidane, ayaa ka hadlay kabtanka xulka iyo weeraryahanka Real Madrid Kylian Mbappé, isagoo sidoo kale sharaxay sababta uusan Mbappé uga qaybgelin shirkii jaraa’id ee ka horreeyay kulanka Turkiga.
Zidane ayaa dhowaan loo magacaabay tababaraha xulka Faransiiska, isagoo saxiixay heshiis soconaya ilaa 2030, waxaana kulanka Turkiga uu noqonayaa kulankiisii ugu horreeyay ee uu xulka hoggaamiyo.
Zidane ayaa dib u xusuustay markii uu Mbappé geeyay tijaabooyinka Real Madrid sanadkii 2012, isagoo sheegay inuu xilligaas arkay karti aad u weyn:- “Waxaan Mbappé ku arkay karti aad u weyn markii uu u yimid tijaabada Real Madrid. Qof walba wuxuu aad u jeclaa inuu arko isagoo kooxda la ciyaaraya, laakiin ugu dambeyn u wareegistiisu ma dhicin, waxaana dhammaanteen ognahay wixii ka dambeeyay.”
Markii wax laga weydiiyay ciyaartoyda hoggaamin doona xulka muddada soo socota, Zidane wuxuu magacaabay:- Kylian Mbappé, Ousmane Dembélé, Adrien Rabiot, Jules Koundé, Zidane ayaa sidoo kale ammaanay xulka Turkiga, isagoo sheegay inuu yahay koox tayo wanaagsan leh.
Wuxuu yiri Turkigu uma qalmin inuu si hore ah uga haro Koobkii Adduunka, sidaas darteed kulanka berri uu u arko caqabad weyn oo hortaalla Faransiiska.
Zidane wuxuu sheegay in ciyaarta Faransiisku aysan ku xirnaan doonin oo keliya khadka dhexe, Wuxuu xusay in Turkigu yahay koox wanaagsan, garoonkuna uu adag yahay, sidaas darteed Faransiisku u baahan yahay inuu si fiican uga ciyaaro dhammaan khadadka, marka uu kubadda haysto iyo marka uusan haysanba.
Tababaraha cusub ayaa sidoo kale sheegay inuu ku faraxsan yahay in ciyaartoy da’yar ay fursad ka helayaan xulka, Wuxuu sheegay in albaabka xulka Faransiisku u furan yahay dhammaan ciyaartoyda, iyadoo kooxda ay isku darsan tahay ciyaartoy da’yar iyo kuwo khibrad leh.
Isagoo ka hadlayay xiddiga Turkiga iyo Real Madrid, Arda Güler, Zidane wuxuu sheegay inuu yahay ciyaaryahan aad u wanaagsan oo leh shaqsiyad adag, Wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka Güler iyo sidoo kale waxa uu u qabanayo Real Madrid.
Zidane ayaa si toos ah uga hadlay maqnaanshaha Mbappé ee shirkii jaraa’id, Wuxuu sheegay in shuruucda shirarka noocan ah ay dhigayaan in tababaraha iyo hal ciyaaryahan ay ka soo muuqdaan, iyadoo maanta doorkaas loo xilsaaray Adrien Rabiot.
Zidane wuxuu xaqiijiyay in Mbappé uu wanaagsan yahay, balse uu qabay xanuun yar oo ku-meel-gaar ah. Wuxuu intaas ku daray inaysan jirin wax halis ah, isla markaana Mbappé uu diyaar u yahay inuu ciyaaro kulanka Turkiga.
Zidane wuxuu sheegay in Faransiisku diyaariyay dhowr qorshe oo ciyaareed, balse uusan doonayn in dhammaan arrimaha loo nisbeeyo “saamaynta Zidane”.
Wuxuu xusay in kooxdu ay qaadatay saddex tababar, isla markaana ay diyaariyeen fikrado ay doonayaan inay ku dabaqaan kulanka.
Ugu dambayn, Zidane wuxuu qirtay inuu hadda dareemayo xamaasad iyo dareen aad u weyn, isagoo sheegay in laga yaabo inay ka xoog badan yihiin dareenkii uu lahaa markii uu ciyaaryahan ahaan u saftay kulankiisii ugu horreeyay ee xulka Faransiiska.


