Weeraryahanka Arsenal, Viktor Gyökeres, ayaa sheegay inuu marna ka fikirin inuu kooxda ka tago xagaagii, inkastoo ay jiraan warar badan oo ku saabsan mustaqbalkiisa, Gyökeres ayaa Arsenal kaga soo biiray Sporting sanadkii 2025, isagoo xilli ciyaareedkii ugu horreeyay dhaliyay 21 gool tartamada oo dhan, oo ay ku jiraan 14 gool oo Premier League ah.
Arsenal ayaa xilli ciyaareedkan ku guuleysatay Premier League, iyadoo soo afjartay 22 sano oo ay sugaysay horyaalka, Si kastaba, booska Gyökeres ee safka hore ayaa cadadis galay dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore, iyadoo Kai Havertz laga hormariyay finalkii Champions League.
Tartanka booska ayaa sii socday xilli ciyaareedkan. Gyökeres ayaa laba kulan oo Premier League ah kusoo galay beddel, halka kulamadiisa uu kusoo billowday ay ahaayeen Champions League iyo Carabao Cup, Waxaa sidoo kale jiray warar sheegayay inuu 28-jirku xagaaga ka tagi karo Arsenal, balse Gyökeres ayaa sheegay in arrintaas aysan waligeed qorshihiisa ku jirin.
“Dabcan, waxaa jiray warar badan. Laakiin waxaan helay diyaar-garow xilli ciyaareed oo dhammeystiran, waxaana dareemayay inaan wanaagsanaa, Waxaan si buuxda diyaar u ahaa Arsenal. Aniga ahaan, joogistu waxay ahayd go’aan cad. Waxaan si aad ah ugu qanacsanahay kooxda ayuu yiri.
“Xilli ciyaareedkii hore aad ayaan ugu faraxsanaa. Waxaan ku guuleysanay horyaalka, tartamada kalena si wanaagsan ayaan u ciyaarnay, Dabcan, waxaan ku guuleysan karnaa koobab kale, laakiin 22 sano kadib oo aan sugaynay Premier League, waa wax la aqbali karo,” ayuu Gyökeres yiri.

