Manchester United ayaa wajaheysa saddex bilood oo ay ku jirto xaalad adag xilli ciyaareedka cusub, kaddib markii kooxda ay soo baxeen su’aalo la xiriira mustaqbalka tababare Michael Carrick, Carrick ayaa laga yaabaa inuu cadaadis kala kulmo maamulka United, inkastoo uu hore u sheegay inuu doonayo inuu kooxda ku meel gaar ahaan u hoggaamiyo. Waxa uu kooxda soo gaarsiiyay meel ay ka baxsan tahay afarta sare, isagoo sidoo kale ka qaybgalaya tartanka Champions League.
Waxaa sidoo kale jira walaac ku saabsan in Manchester United ay xagaagii ciyaartoy badan lasoo saxiixatay, kuwaas oo heshiisyadoodu ku eg yihiin ilaa 2029, Si kastaba ha ahaatee, natiijooyinkii ugu dambeeyay ee kooxda ayaa muujinaya in cadaadiska tababare Carrick uu sii kordhayo, iyadoo United ay wajahday hoos u dhac dhinaca natiijooyinka ah.
Markii Ruben Amorim shaqada laga cayriyey Janaayo, Manchester United ayaa isaga iyo shaqaalihiisii ku bixisay ku dhowaad £8.2 milyan, Amorim ayaa xilka hayay muddo ku dhow 18 bilood, Sida laga soo xigtay Football Italia, haddii Carrick uusan si degdeg ah u helin guulo cusub, Manchester United waxay wajahaysaa inay bixiso ku dhowaad £16.7 milyan, haddii ay go’aansato inay heshiiskiisa soo afjarto inta ka harsan, Carrick ayaa kooxda ku kacaya qiyaastii £6.5 milyan sanadkii,
Maadaama uu saddex bilood oo keliya ku jiro heshiiska laba sano ah ee uu la galay Manchester United, cayrintiisa waxay United ku keeni kartaa kharash lacageed oo badan, Sidaas darteed, haddii natiijooyinka kooxda aysan si wanaagsan isu beddelin, waxaa soo baxaya su’aalo ku saabsan mustaqbalka Carrick iyo haddii maamulka Manchester United uu go’aan ka qaadan doono xilka tababaraha.

