“Uma Qalmin Harry Kane kubadda dahabka waa lagu laaluushay” Halyeygii Real madrid oo si caro leh uga hadlay

0

Halyeeygii hore ee Real Madrid, Guti, ayaa su’aalo ka keenay guushii Harry Kane uu ka gaaray abaalmarinta Ballon d’Or 2026, isagoo shaki ka muujiyay sababta xafladda markii ugu horreysay taariikhda loogu qabtay London.

Guti ayaa sheegay inay tahay arrin lala yaabo in xafladda abaalmarinta oo muddo 70 sano ah aan London lagu qaban, sannadkan loo wareejiyo magaaladaas, isla markaana uu ku guuleysto ciyaaryahan halkaas ka soo jeeda.

Advertisment

“Xafladda Ballon d’Or waxaa loo wareejiyay London, dabadeedna qof London ka yimid ayaa ku guuleystay. Waa isku-beeg yaab leh, miyaanay ahayn?” ayuu yiri Guti.

Wuxuu intaas ku daray: “Waa isku-beeg weyn, miyaanay ahayn? Wax walba bilowgii ayay u muuqdeen kuwo la sii qorsheeyay.”

Kane ayaa abaalmarinta ku guuleystay isagoo ka hor maray xiddiga Real Madrid, Kylian Mbappé. Qabanqaabiyeyaasha ayaa hore u xaqiijiyay in farqiga codadka labada ciyaaryahan uu aad u yaraa.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here