Halyeygii Liverpool oo si fool xun u jeex jeexay Man utd & Ciyaartoydeeda Muxuu yiri ?

0

Halyeeygii Liverpool, Steven Gerrard, ayaa dhaliil adag u jeediyay ciyaartoy badan oo Manchester United ah, isagoo sheegay in qaar badan aysan u qalmin inay kooxda ka sii mid ahaadaan.

Gerrard ayaa sheegay in Bruno Fernandes uu yahay ciyaaryahanka ugu fiican United, isla markaana uu yahay kubbad-yaqaan tayo sare leh oo xitaa taageere Liverpool ahi ku raaxaysan karo daawashadiisa.

Advertisment

Si kastaba, wuxuu sheegay in Harry Maguire iyo Luke Shaw aysan hadda u qalmin Manchester United, isla markaana ay ahayd in kooxda ay waqti hore iska fasaxdo.

Wuxuu sidoo kale dhaliilay Lisandro Martínez, isagoo ku eedeeyay inuu danihiisa gaarka ah ka hormariyay kooxda. Gerrard ayaa su’aal geliyay sababta United ay u soo iibsanayso ciyaartoy aan diyaar u ahayn inay kooxda ku hoggasmiyaan heerka ugu sarreeya.

Khadka dhexe ayuu ku dhaliilay saxiixyada cusub, isagoo sheegay in Carlos Baleba uu leeyahay awood, balse uusan weli diyaar u ahayn inuu United ka caawiyo tartanka horyaalka.

Gerrard ayaa sidoo kale sheegay in Amad Diallo uusan joogteyn bandhiggiisa, halka Matheus Cunha uu hoos u dhacay. Benjamin Šeško ayuu ku tilmaamay ciyaaryahan aan weli heerka looga baahan yahay gaarin.

Dhanka kale, wuxuu Bryan Mbeumo ku ammaanay inuu ka mid yahay ciyaartoyda ugu wanaagsan United xilli ciyaareedkan.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here