Xiddigii hore ee Liverpool iyo Arsenal oo ka badbaaday weerar eey, Dhaawac 50 qodob ….

0

Jermaine Pennant, oo horay ugu soo ciyaaray Liverpool iyo Arsenal, ayaa ka badbaaday weerar halis ah oo uu ku qaaday eey ka tirsan nooca German Shepherd, kaasoo dhaawac culus ka gaarsiiyay lugtiisa, una baahday in lagu tolo in ka badan 50 tolmo.

Ciyaaryahanka reer England oo 43 jir ah ayaa sheegay in dhacdadu dhacday toddobaadkii hore, xilli uu eeygiisa King kula socday meel cidlo ah oo u dhexeysa qabuuraha iyo garoon golf ah. Eeyga weerarka geystay ayaa markii hore weeraray King, balse markii Pennant uu isku dayay inuu difaaco eeygiisa, weerarkii ayaa isaga kusoo jeestay, waxaana laga qaniinay lugta oo dhulka lagu tuuray.

Advertisment

Pennant ayaa wareysi uu siiyay barnaamijka Hawksbee and Jacobs ee idaacadda talkSPORT ku sheegay in wax walba ay si degdeg ah u dhaceen, isla markaana uu xanuun daran dareemay markii lugtiisa la qaniinay.

Wuxuu sheegay in eeygiisa King uu markii dambe u soo gurmaday, kana difaacay eeygii weerarka soo qaaday.

“Haddii uusan King i caawin lahayn, eeygaasi waxaa laga yaabaa inuu sii waday weerarka, isagoo ii arkayay wax uu ku ciyaarayo,” ayuu yiri Pennant.

Xaaladda ayaa sii adkaatay markii uu sheegay in loo sheegay in ambalaasku qaadan karo ilaa 12 saacadood inuu gaaro goobta. Saaxiibtiis ayaa ugu dambayn adeegsatay barnaamijka Uber si ay gaari ugu hesho, waxaana Pennant uu si dhib leh ku gaaray waddada weyn, halkaas oo uu uga sii gudbay qeybta gargaarka degdegga ah ee isbitaalka.

Markii isbitaalka la geeyay, waxaa la siiyay daaweyntii degdegga ahayd, cirbad ka hortagta teetanada iyo antibiyootiko. Waxaa sidoo kale la sheegay inuu sugayo qiimeyn uu sameeyo dhakhtar ku takhasusay qalliinka dib-u-dhiska, si loo ogaado in dhaawaca qotada dheer uu u baahan yahay qalliin maqaar lagu tallaalo.

Pennant ayaa qirtay inuu aad uga baqay inuu lugtiisa waayo, maadaama dhaawacu aad u xumaa, surwaalkiisuna uu ku dhegay lugta.

Inkasta oo ay suuragal tahay in nabarro joogto ahi ku haraan lugtiisa, haddana ciyaaryahankii hore ayaa muujiyay rajo ku aaddan soo kabashadiisa. Wuxuu sheegay inuu dib u bilaabay socodka isaga iyo eeygiisa King, isla markaana uu hadda awoodo inuu socdo isaga oo aan xanuun dareemayn.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here