Real Madrid oo markan dooneysa iney lawareegto laacib ka tirsan kooxda Liverpool kadib Arnod & Knote

0

Real Madrid ayaa qorsheynaysa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee mustaqbalka, iyadoo xiddiga khadka dhexe ee Liverpool, Alexis Mac Allister, ay u aqoonsatay mid ka mid ah bartilmaameedyadeeda ugu waaweyn, sida ay sheegtay Sky Sports.

Ciyaaryahanka reer Argentina, oo ku guuleystay Koobka Adduunka, ayaa ku jira liiska ciyaartoyda ay Real Madrid dooneyso. Tababaraha kooxda, José Mourinho, ayaa la sheegay inuu si gaar ah u daneynayo saxiixiisa.

Advertisment

Mourinho ayaa qiimeeya awoodda jireed ee Mac Allister, dadaalkiisa difaaca iyo kubbad raacashadiisa. Tababaruhu wuxuu doonayaa ciyaaryahan muddo dheer hoggaamin kara khadka dhexe ee kooxda.

Real Madrid ayaa hadda khadka dhexe isu kala beddesha Aurélien Tchouaméni, Bernardo Silva, Eduardo Camavinga, Arda Güler iyo Federico Valverde. Si kastaba, Valverde ayaa marar badan loo wareejiyaa daafaca midig, taasoo abuureysa baahi joogto ah oo khadka dhexe ah.

Mac Allister ayaa qandaraas kula jira Liverpool ilaa 2028. Tan iyo markii uu kooxda ku biiray, wuxuu saftay 162 kulan, isagoo dhaliyay 23 gool, isla markaana sameeyay 21 caawin.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here